Maxay Ilhaan Cumar ka doontey Ghana?

0
Ilhaan Cumar oo booqasho ku joogto Ghana

Muqdisho (NSH)-Ilhaan Cumar ayaa waxay kamid tahay wufuud xildhibaanno ah oo ay hogaamineysay afahayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasho ku joogo dalka Ghana.

Waftiga ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka oo ay horkaceyso Nancy Pelosi ayaa waxa ay kormeerayaan qalcadda Elmina, waxayna ka qeybqaadanayaan xuska 400 sanno guuradii kasoo wareegtay markii kooxdii ugu horeysay ee dadkii addoonsiga loo watay ay gaareen Maraykanka.

Waftiga ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka waxaa hoggaaminaya Nancy Pelosi
Xiggasho: BBC Somalia