Astaamaha lagu barto madaxda aan lahayn dhaqanka Dimuquraadiyadda

0
Axmed Tiir oo ka faalooda arrimaha caalamka

Nairobi (NSH)-Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran daglka Noosheeg.com, waxaa halkan idinku soo gudbinayaa 10 Astaamood oo lagu garan karo madaxda aanan laheyn dhaqanka demuqraadiyadeed:

Haddaba maxay yihiiin tobankaas?

1. Daacadnimada ayuu ka hormariyaa xirfadda iyo kartida . Wuxuu soo aruursada kuwa isaga daba socdo oo aan ra’yi laheeyn.

2. Horumarkiisa uga weeyn waa in laga dambeeyo qudh ah oo aanu cid khlaafin. qiimeeyntiisa kuma dhisna wax qabad iyo horumar cilmiyeeysan.

3. Khatartiisa ugu weeyn waa ra’yiga kasoo horjeedo, mucaaradka siyaasigana magacyo iyo naaneeyso kaladuwan buu u bixiya…

4. Cadawgiisa 1aad waa saxaafadda xorta ah.( ما اريكم الا ما ارى وما اهديكم الا سبيل الرشاد) waa fircoon oo dadkiisa kuleh: waxaan arko qudh ah arka , jidka wanaagsan oon idiin jeexana raaca . Isagu iyo fircoon waa isku caqli.

5. Wuxuu ku andacooda dimuqraadiyada waqtigeedii lama gaarin wuxuu iska indha tiraa xuriyadda iyo dimuqraadiyada oo hadeey laba qof isugu timaado urur ama dowlad aay lagama maarmaan tahay: dad aanan xor aheeyn horumar ma gaari karaan.

6. Wuxuu jecelyhay amaaanta iyo buun buuninta qofkaan amaanin waa dambiile iska daa qofkii mucaaride

7. Waa daciif, wuxuuna ku qariyaa jileeciisa boolax boolax iyo jilitaan.

8. Wuxuu ladagaalamaa ineeysameeysmaan heey’ado go’aanka lawadaago sida barlamaan xor ah, garsoor xor ah, lakabyo hoose oo go’aanka lawadaagi karo sida maamul goboleedyada.

9. Xanaaq iyo xamaas joogta ah iyo wadaniyad been ah oo isagu kaligii uu wadani yahay ( fachisim) .

10) Been, balan kabax, iska horkeenka bulshada, isqaris, xiiso iyo dagaal joogta ah uu ku dhax dhuunto

W/Q: Axmed Tiir
Fallanqeeye arrimaha caalamka

AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga ku qoran, fadlan laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee degalka NOOSHEEG.COM Mahadsanidiin