Maxaa ONLF u qabsoomay tan iyo markii ay la heshiisay Itoobiya?

0
sawir horre

Addis Ababa (NSH)-Ururka ONLF ayaa markii ugu horreysay faah-faahiyay waxa u qabsoomay tan iyo markii ay heshiis la gashay dowladda Itoobiya bishii October ee sannadkan.

Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo u warramay bbc-daayaa sheegay in go’aanka ONLF uu kula heshiisiiyay dowladda Itoobiya uu ahaa kaddib markii isbaddal guud uu ka dhacay dalka Itoobiya, iyaguna ay go’aansadeen in isbaddalkaas guud ay ka mid noqdaan.

Waxa uu sheegay in mabda’ooda uu ahaa in dadka gobalka Soomaalida ay helaan xuquuqaha ay ku lee yihiin dalkaas haddii ay lahayd amni, dhaqaale, iyo mid bulsho.

Waxa uu sheegay in madaxda ururka iyo ciidankiiba ay dib ugu soo laabteen dowlad deeganka Soomaalida isla markaana ay hadda qayb ka yihiin horumarka socda.

Hoggaamiyaha ONLF ayaa sheegay in marka hadda la fiiriyo xaaladda Itoobiya dhulka Soomaalida uu yahay dhulka ugu xasilloon dalka oo dhan.

Ciidamadii ONFL ayaa qayb ka noqday ciidamada dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya iyagoo qayb ka ah ciidamada nabadgalyada.

Mar la weydiiyay hadafka ay lee yihiin, waxa uu sheegay inta ay qaybta ka yihiin Itoobiya in ay doonayaan in dadka Soomaalida ay la xuquuq noqdaan qowmiyadaha Tikreega, Oromada iyo Amxaarada.

Dowladda Itoobiya ayaa u aqoonsatay ONLF urur siyaasadeed iyadoo markii horre ugu yeeri jirtay urur argagixiso, waxaana uu hadda ururka hadda xarrumo ku lee yahay magaalooyinka Addis Ababa iyo Jigjiga.

Noosheeg.com

Danguudtv@gmail.com