Maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiintii ku safray diyaaraaddii ka degtay Kismayo iyadoon soo marin Muqdisho?

0
Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan oo tegay magaalada Kismaayo si ay uga qaybgalaan xafladda caleema saarka Axmed Madoobe

Dowladda ayaa dhowaan ku amartay dhamaan diyaaradaha tagaya iyo kuwa ka imaanaya magaalada Kismaayo inay soo maraan magaala Madaxda Muqdisho sida caalamkaba ka jirta.

Hayeeshee, 5.10.2019, waxaa magaalada Kismayo ka degay diyaarad ka timid Nairobi taasoo siday mas’uuliyiin isugu jira xildhibaano, sanataro oo ay ka mid ahaayeen madaxdii hore ee maamulada Galmudug iy Koonfur Galbeed si ay uga qeyb galaan caleema saarka Axmed madoobe oo gebi ahaanba doorashadiisa ay dowladda qaadacday.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad caalami ah ka gudbisay Kenya iyo diyaaradda jabisay sharcigii ay soo rogtay. Sidoo kale dowladda ayaa shatigii ogolaanshaha kale noqotay shirkadda diyaaradaha Jubba airway oo la sheegay in shatigeeda ay isticmaashay diyaaraddaas.

Waa arrin lagu farxo inay dowladda durba qaaday tilaabo looga horatagayo xadgudubkaas.

Dhinaca kale, waxaa is weydiin mudan iyadana, maxaa laga yeelayaa mas’ uuliyiinti dowladda iyo kuwii maamul goboleedyada ee si bareer ah u baal maray sharcigii Dowladda soo rogtay iyagoo matalaya umadda Soomaaliyeed.

Adduunyada, sharciyada caalamiga ah ee dowladi soo rogto cidda baal martaa waxay ka dhigantahay inay geysatay qiyaano qaran, waxaana lagu ridaa xukunno adag.

W/Q: Abdinasir Safaana

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada soomaalikabe@gmail.com Mahadsanid