Maxaad ka ogtahay wasiiro ka tirsanaa Somaliland oo tagey Muqdisho?

0
Xuquuqda sawirka wargeyska Geeska Afrika

Hargeyska (NSH)-Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa maanta oo Talaado ah qoray war ku saabsan in saddex wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiiradan ayaa la sheegay in ay casuumaad ka heleen dowladda federaalka Soomaaliya sida ilo xog ogaal ah ay ku warramayaan.

Haddaba, wasiirada Somaliland ka tirsanaa ee Muqdisho soo gaaray ayaa kala ah wasiir ku-xigeenkii wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Axmed Keyse Gurey,wasiir ku xigeenkii horre ee wasaaradda Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil iyo wasiirul-dawlihii hore ee wasaaradda cadaaladda Khadar Axmed Diiriye.

Ma cadda wax yaabaha keenay xilligan in saddex wasiir oo ka tirsanaa Somaliland ay yimaadaan magaalada Muqdisho mana cadda in socdaalkoodu yahay mid siyaasadeed iyo inuu ku saabsanyahay dano shakhsi.

Imaatinkooda ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu kula kulmay magaalada Hargeysa ergayga Turkiga u magacowday wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Olgan Baker.

Madaxweynaha Somaliland ayaa shuruud ku xiray wadahadalada labada dhinac isagoo sidoo kale ergayga u sheegay in wadahadallada lagu soo daro waddamo kale oo caalamka ka mid ah.

_SOOMAALIKABE_

[email protected]