Madaxweyne Laftagareen oo dadka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka soo guuraan Galmudug

0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafagareen)

Baydhabo (NSH)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasana Maxamed (Laftagareen) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa cambaareeyay dadkii lagu laayay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamarreeb.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu baaqay dadka ka soo jeeda goballada Baay iyo Bakool in ay dib ugu soo laabtaana deegananadooda, kaddib markii dad lagu laayay goballaada dhexe.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in lagala baxay guryahooda, kaddibna la isugu geeyay duleedka magaalada Gaalkacyo halkaas oo lagu laayay. Afar ka mida ayaa la sheegay in ay ahaayeen hal qoys. Illaa hadda lama qaban dadkii falkaasi ka danbeeyay.

Dilka sagaalka qof iyo dhaawaca labada kale ayaa yimid waxyar kaddib, marki gudaha magaalada Gaalkacyo ay rag bistoolado ku hubeysan ku dileen Cali Tahlil Cadceed oo ahaa taliye ka tirsanaa ciidanka nabadsugidda Galmudug.

Halkan ka daawo