Madaxweyne Deni oo ka hadlay waxyaabihii fashiliyay shirkii Garowe

0
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

Garowe (NSH)-Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xaley shir jaraa’id ku qabtey magaalada Garowe, ayaa ka hadlay wax yaabihii sababay inuu fashilmo shir muddo lix cisho uga socday Garowe madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wax yaabaha doodda keenay ee la isku mari waayay ay ka mid ahayd in la keeno wax ka baddelan golihii amniga qaranka ee dowladda dhexe iyo dowlad goballeedyada ay ku mideysanaayeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan xal la gaarin arrimaha wax qeybsiga iyo sida loo maamulo deeqaha soo gaara dowladda dhexe.

Madaxweyne Deni ayaa afkiisa ka ilaalinayay in shirkii Garowe uu fashil ku dhammaaday, isagoo xusay in shirka aaney ka soo bixin wax la isku afgartay.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in dowladda federaalka aysan ka garaabin wax yaabaha ay ka tabanayaan madaxda dowlad goballeedyada.

Dhinaca kale,madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen isaga iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle kaasoo shaki badan ka dhashay.

Deni ayaa sheegay in maamulladaas ay yihiin kuwa curdun ah Puntland aysan horrey u lahayn xiriir wadashaqeen.

Madaxweyne Deni ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay nidaamka fadaarleynta.

Madaxweynaha Puntland oo hadlayay ku dhawaad 40 daqiiqo ayaa saxaafadda ka diiday inay wax su’aalo ah weydiiyaan.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com