Mareykanka oo shaaciyay arrin aan la ogeyn oo ku saabsan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

0
US Ambassador to Kenya Kyle McCarter

Dowladda Mareykanka ayaa weydiisatay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka laabato muranka badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Kenya Kyle McCarter, ayaa sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arrintan.

Kyle McCarter, oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in uu laftiisa yimid Muqdisho lana kulmay Madaxweyne Farmaajo oo uu ka dalbaday in kiiska Badda laga qaado ICJ islamarkaana meel aan Maxkamadda ahayn lagu dhameeyo.

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri Mr Kyle.

Safiirku ma sheegin jawaabta uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale dowladda Soomaaliya gaar ahaanna xafiiska Madaxweynaha kama hadlin arrintan oo u muuqata in daaha gadaashiisa laga maamulayo.

Hadalka Mareykanka ayaa xoojinaya shakiga la xiriira in Dowladda Soomaaliya kiiska Badda wadahadal ka geli doonto maaddaama markii 2aad dib loo dhigay islamarkaana muddadii sanadka ahayd ee ay dalbatay Kenya laga reebay laba bilood 10 bilood oo dib u dhigid ahna la siiyay Kenya.

Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale ka gaabisay in dadka Soomaaliyeed ay ka shaafiso wararka ku xeeran dacwadda Badda iyada oo Warbaahinta Caalamka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah ay yihiin kuwa ugu badan ee laga helo wararka la xiriira Dacwadda taalla ICJ ee la xiriirta Baddeena ay muranka gelisay Kenya.