Maamulka HirShabeelle oo soo wajahay walaac dhinaca ammaanka (Maxaa Cusub?)

0
Waarre oo furay kalfadhigga shanaad ee baarlamanaka HirShabeelle

Jowhar (NSH)-Maamulka HirShabeelle ayaa waxaa soo wajahay culeys weyn oo dhinaca ammaanka kaddib markii la sheegay in kun askari oo ka tirsan howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya ka baxayaan dhammaadka bishan deeganno ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada AMISOM ayaa ka bixi doona magaalooyinka Balcad, Raagga Ceelle iyo Xaaji Cali oo dhammaan ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa VOA u sheegay in maamulka gobalka uu culeys dhinaca amniga soo wajahayo haddii ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ku sugan Shabeellaha Dhexe ay baxaan bishan dhammaadkeeda.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli khatar weyn ku yihiin gobalka Shabeellaha Dhexe iyo maamulka HirShabeelle loona baahan yahay in dowladda federaalka ay la timaado qorshe ammaanka gobalka Shabeellaha Dhexe lagu xoojinayo maadama AMISOM ay halkaas ka baxeyso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay Al-Shabaab in ay awood u lee dahay in weerarro ka geesato gobalka Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose iyagoo aaney jirin wax celinaya haddii AMISOM ay ka baxdo goobaha ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Dhexe.

_SOOMAALIKABE_

[email protected]