Ma jiraa caalamado lagu garto Doqonka?

0

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran dagalka Noosheeg.com, waxaa idin lee nahay Ramadaan Kariim. Akhristow wey Fara badan yihiin, lamana soo koobi karo Dadka ku Sifoobay Doqonimo iyo Dabeecad Qalafsan ee Bulshada ku dhex nool, haddii aan isku dayno inaan Wax ka Tilmaano Astaamaha lagu garto kuwaasi Garaadkoodu Liito ee aan u naqaano Doqon, Calaamadahooda waxaa ka mid ah:-

1- Qabweyni aan meel Dheer jirin.

2- Wuxuu jecel yahay in Dood kasta uu isaga ku Guuleysto, loogana Dambeeyo.

3- Dadka kale wuxuu ku Qasbaa iney Ra’yigiisa qaataan.

4- Wax kasta oo Wanaagsan Dood iyo Muran ayuu ka keenaa.

5- Malaha Saaxiibo Dhab ah oo uu Farxadda la qeybsado.

6- Marka laga Gar heli rabo wuu is Xanaajiyaa.

7- Sidiisaba Gar ma Gasho, mana ka Baxdo.

8- Sax iyo Qaladkiisuba waa wada Sax, Raali gelintana ma qaato.

9- Horumarka Walaalkiis ama Walaashiis wuu ka Naxaa.

10- Hadba Qofkii markaa la jooga ayuu Qofka kale ee maqan ku Xantaa.

11- Wuxuu Aaminsan yahay inuu isagu yahay Qofka Adduunka ugu Caqliga badan.

12- Wuxuu jecel yahay Dadka oo dhami iney isaga Hoos yimaadaan.

Haddaba, Walaal waan Filaa intii aad Akhrineysay Iney kuu Sawirmeen Dhowr Qofood oo leh Astaamahaasi aan kor ku soo Xusnay, balse Wax kale Oran meynee Aan u Duceyno inuu ilaaheey tuso Waddada Xaqa ah.

(ilaahoow intii Lunsan soo Hanuuni, yaa Rabbi).

W/Q:- Macoow Ustaad