Labo arrin oo muujinaysa is hortaaggga muxaadarada Shiikh Ummal

0
Shiikh Ummal

Runtii, si loo muujiyo, loona dhawro xorriyadayaha hadalka, kala aragti duwanaasha iyo xuquuqda sugan ee kulamada, waxa uu xaq buuxa u lahaa Shiikh Ummal in si nabadi ku jirto uu maxaadaradiisa u qabsado.

Is-hortaagga muxaadaradani waxa ay gudbinaysaa laba farriin oo yara hailsa.

Midi waa in Suufiyadu iska dhaadhiciyaan, in caasimadda uu muxaadaro ku qaban karin qof aan iyaga aheyn, taasina waa hails jirta!

Midda labaad, caasimadda dalka ayaa u muuqaneysa meel kooxi horay u heysatay, haatanna koox kale ku amartaagleyneyso, taasina waxay iin weyn ku tahay hanka laga leeyahay in la helo caasimad loo dhan yahay, oo koox walba ay xor u tahay fahanka iyo fekerka diinta.

Muqdisho uma qalanto in ay ka soo baxday gacan Alshabaab, haatanna ay gacanta u gasho koox diimeed kale oo awood u leh in ay gilgisho magaalada, si ay u horistaaggaan xaq uu leeyahay qof iyaga la mida.

Anigu manhaj ahaan, culumadeydii waxa ay wada ahaayeen Suufiyo, oo waligay uma xereysan Salafi, oo baahi diin uma horfadhiisan, laakiin, taasi ma aha in aan dafiri karo xaqa buuxa ay Salafiyadu u leedahay in ay aragtida iyo fahan diineedkooda dhiibtaan.

Dhab ahaantii, waxii Muqdisho ka dhacay maanta, waxay dhaawac ku yihiin xorriyadda hadalka, xoriyadda diinta iyo xorriyadda muwaaddinka.

Waxaan cabsi ka qabaa, in Suufiyo ay iska caadeysto falalkaan, oo ay gaaraan heer ay dhahaan; Wahaabi ama Salafi hebel cag ma soo dhigi karo caasimadda oo ay dibadbaxyo waaweyn meel walba ka dhigaan.

Ma dooneyno koox diimeed kasta oo ku xadgudbeysa xaquuqda iyo xeerarka dastuurigaa ee noo qoran!!

W/Q:Cabdicasiis Maxamed Shidane

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka halkan ku qorana waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan laguma saleyn karo aragtida mareegta noosheeg.com, Fadlan si aan u soo daabacno, qoraalladaada iyo fallooyinka aad qorto ku soo dir ciwaankan; soomaalikabe@gmail.com