Kooxda Waaberi oo markii shanaad u soo baxday fiinaalka tartanka degmooyinka Gobalka Banaadir

0
Lahaanshaha sawirka Xuseen Maxamed Haadow

Kooxda Degmada Waaberi ayaa shalay u soo baxday fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir ee ka socda maaalada Muqdisho, ka dib markii ay kooxda Shangani ugu badisay 4-3 rigoorayaal.

Waa markii shanaad oo xiriir ah ee ay heerkan gaarto tan iyo sanadkii 2015-kii.

Cayaartii shaley ayaa ku soo dhammaatay waqtigii loogu talagalay barbadhac 0-0,

Kulanka labaad ee semi finalka tartanka oo maanta dhacaya, ayaa waxaa isaga hor imaan doona degmooyinka Xamar jajab iyo Dharkenley

Kooxda Waaberi saddex jeer oo horrey ayey ugu guuleysatay koobka, waxaana ay galabta sugeysaa labada koox Xamar jajab iyo Dharkenley tii soo badisa.

Ciyaarta shalay ayaa ahayd mid xiisa gooni ah lahayd, waxaana Shingani oo ahayd markii ugu horreysay ee heerkan ay soo gaarto ay u muuqatay mid ay ka go’an tahay in ka badiso Waaberi oo ah kooxda difaacanaysa koobkan loona yaqaano Baraasiisha Soomaaliya.

Galabta kulan loogu soo baxayo fiinaalka koobka kubadda cagta ee degmooyinka gobalka banaadir ayaa ka dhacaya garoonka Eng- Cabdiraxmaan Yariisow, Kooxaha wada dheelaya waxa ay kala yihiin Xamar-Jajab & Dharkenley.

Lahaanshaha sawirka Xuseen Maxamed Hadaafow
Lahaanshaha sawirka Xuseen Maxamed Hadaafow
Lahaanshaha sawirka Xuseen Maxamed Hadaafow
W/Q:Maxamed Kaafi Cali Muumin
Suxufi iyo Qoraa ka faallooda arrimaha Cayaaraha iyo Dhacdooyinka Caalamka.