Khayre oo tegay Gaalkacyo

0
Sawir horre

Gaalkacyo (NSH)-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tegay magaalada Gaalkacyo ee xarrunta gobalka Mudug.

Wafdiga ra’iisal wasaaraho oo safar dhinaca dhulka uga soo baxay magaalada Dhuusamarreeb ee xarrunta gobalka Galgaduud, ayaa lagu waday in ay sii maraan magaalada Cadaado halkaasoo oo lagu waday in ay kula kulmaan odayaasha iyo wax garadka magaalada balse waa ay ka diideen ra’iisal wasaaraha in ay la kulmaan, ra’iisal wasaaraha waxa uu sii gudbay magaalada Gaalkacyo oo uu hadda ku sugan yahay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dad weynaha magaalada Gaalkacyo kula hadlay garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise.

Ra’iisal wasaaaha iyo wafdigiisa ayaa maalmahan socdaal ku jooga goballada dhexe iyagoo la kulmaya dadka deggan goballada dhexe, waxaana ay la kulmayeen qaybaha kala duwan ee bulshada si looga shaqeeyo dhismaha iyo dhammaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Halkan ka daawo sawirrada

_NOOSHEEG.COM

Noosheeg@gmail.com