Kabtankii Ajax oo si rasmi ah ugu biiray Juventus

0
Kabtankii Ajax oo si rasmi ah ugu biiray Juventus

Amsterdam (NSH)-Matthijs de Ligt ayaa maanta oo Talaado u duulaya magaalada Turin, si uu u soo dhameestiro heshiiska uu ugu wareegayo kooxda Juventus.

Kooxda heesata horyaalka Talyaaniga ayaa la filayaa in ay bixiso £67.5m si ay ula soo wareegto 19-jirkan difaaca ka cayaara kaasoo hoggaaminayay Ajax oo gaartay Simi-finaalka horyaalka Yurub xilli cayaareedkii la soo dhaafay.

Difaaca buuxa ee xulka qaranka Netherlands, ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu wareego kooxo kale oo ka dhisan Yurub sida Manchester United, Barcelona iyo Paris-St Germain.

Saddex xilli cayaareed oo uu joogay Ajax, waxa uu kula guuleystay horyaalka Holland ee the Eredivisie iyo koobka Dutch iyo horyaalka Europa League uu keenay fiinaalka 2017.

De Ligt ayaa u dhaliyay 8 gool kooxda kaddib markii uu ka soo muuqda 77 kulan kooxda ka dhisan magaalada Amsterdam, wuxuu ku biiray kooxda isagoo da’diisa ay tahay sagaal jir waxaana uu noqday cayaaryahankii ugu da’da yaraa ee kooxda kabtan u noqday bishii  March 2018.

Wuxuu dhaliyay goolkii ay uga badiyeen kooxda Juve isla markaana Ajax ayuu soo saaray Semifinalka koobka Yurub halkaasoo ay guuldarro kala kulmeen Tottenham.

De Ligt ayaa markii ugu horreysay xulka qaranka ee Netherlands u saftey bishii March 2017, isagoo xilligaas labo cayaarood qura u saftey kooxda Ajax.

_NOOSHEEG.COM_
Danguudtv@gmail.com