Jose Antonio Reyes oo ku dhintay shil gaari

0
Xiddigii horre ee kooxaha Arsenal iyo Sevilla Jose Antonio Reyes ayaa ku dhintay shil gaari, isagoo da'diisa ay ahayd 35 sanno

Madrid (NSH)-Xiddigii horre ee Arsenal Jose Antonio Reyes ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta galinkii horre ka dhacay dalka Spain. Waxa uu ku dhintay da’da 35.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in cayaaryahankan uu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Utreta Sabtida maanta ah.

Xiddigii horre, ee kooxaha Sevilla,Real Madrid, Atletico Madrid iyo Espanyol ayaa u soo cayaaray kooxda Arsenal intii u dhexeysay 2004 illaa 2007-dii, waxaana uu noqday cayaaryahankii ugu horreeyay ee Spain ah oo ku guuleystay horyaalka Premier League.

Xiddigii horre ee kooxaha Arsenal iyo Sevilla Jose Antonio Reyes ayaa ku dhintay shil gaari, isagoo da’diisa ay ahayd 35 sanno

Jose Antonio Reyes ayaa ku biiray Sevilla isagoo 16-jir ah, sidoo kale Arsenal waxa uu ku biiray sannadkii 2004.

Waxa uu ku tegay labo gabdhood oo magacyadooda lakala yiraahdo Noelia iyo Triana iyo xaaskiisa Noelia Lopez, taasoo ay is guursadeen bishii June 2017.

Kooxda Gunners-ka ayaa dhambaal tacsi u dirtay qoyska weeraryahankoodii horre.

Reyes ayaa hadda ahaa macallin, waxaana uu xagaagii horre magacallin u ahaa koox ka dhisan dalka Shiinaha.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com