Ina Cabdishakuur iyo inta aan ka arkay!

0

Sida ay u badan tahay dhaqanka lagu bartay dadka ka sheekeeya siyaasiyiinta Soomaalida, waxaa qoraallada la soo raaciyaa sawirro muujinaaya siyaasiga iyo qofka ka warramaya oo wada jooga. Waxaa laga yaabaa in danta laga leeyahay sawirkaas ay tahay xaqiijinta isaqoonis u dhexeeysa qofka wax qoraya iyo cidda uu ka qoraayo. Waase marka uu qofku muhiim yahay, se aanan qodobka wax dan ah laga lahayn.

Qof ahaan isku ma aanan aqoon. Anna barasha qofeed ka ma aanan rabin, oo waxaa jirtay istus (perception) iyo aaminaad guud oo aan ka qabay siyaasiga Soomaaliyeed taas oo ii sheegaysay in araggiisa iyo barashadiisaba ay kaaga filan tahay adiga oo Idaacadda ka dheggeysta amase Taleefishin ka daawada. Xitaa labadaas aaladood isku ma badnin, oo berigii meelahaas siyaasiga laga dheggeysan jiray iyo xitaa markii siyaasiga (sidiisaba) la dheggeysan jiray waa laga soo gudbay. Haa, waa laga soo gudbay, sababtoo ah siyaasiga maanta joogaa la ma dhegeysto ee waa la arkaa, sida fannaankaba loo arko. “Siyaasi hebel ayaa arrimo badan ka hadlay” qof ku leh haddii aad aragto, waxa ay u badan tahay in arrimahaas laga hadlay marka aad ka wareysto uu kuugu jawaabo “Aad u ma xasuusto, laakiin dharki uu watay midabkooda ayaan xasuustaa!” Arrimaha uu siyaasigu beryahaan ka hadlo, cid kale oo u xasuusata iska daa e, isaga ayaanan xasuusan. Maxaa yeelay, in la dhegeysanaayo u ma hadlo e, in la arkaayo ayuu u hadlaa!

Qaar badan oo siyaasiyiin ah waxa ugu weyn ee ay haayaan waa magacooda (siyaasi hebel). Maadaama aanay hayn aqoon guud iyo aragti ka baxsan ahaanshahooda siyaasinimo oo ay dadka la wadaagaan, waxa ay ku khasban yihiin in marka ay ka khudbeynayaan munaasabadda koowda Luuliyo, marka ay la sheekaysanayaan ayeeyadood oo xannuunsan iyo xitaa marka ay jiifaanba ay ku celceliyaan “Aniga ka siyaasi ahaan waxaan aaminsanahay…”.

Saas darteed, ma jeclaan jirin in aan siyaasiyiinta la fadhiiso amase hortago, waayo ka ma mid ihi Barbaarta Gaashaaman, ku mana jiro ururrada haweenka iyo dhallinyarada degmooyinka. Shaqo iyo shaah midna iga ma galo dhegeysiga qof siyaasi ah!

Laba jeer oo aanan kutalogal ahayn ayaa aan is aragnay. Labaatan eray oo xasuustayda galayna waan ka guntay. Ka soke in aan erayo ka diiwaangeliyay, waxa aan ka bartay farqiga u dhexeeya siyaasinimada fadhi-ku-dirirka ka soo billaabata, iyo siyaasinimada buugaagta iyo waxakhrinta kasoo shidaalqaadata. Siyaasiga fadhikudirirka ka aflaxay waxa uu yaqaanaa magacyada siyaasiyiinta, halka uu siyaasiga aqoonta ka aflaxayna ku xeeldheer yahay macnaha siyaasadda (aqoon ahaan). Labadaba maanta waxa ay wataan hal magac oo ay dadku (inta badan) ku wada qiimeeyaan. Hase ahaatee, inta yar ee ay qiimayntoodu dhaafsiisan tahay magacyada, waxa ay si sahlan u kala garan karaan cidda siyaasiga ah iyo cidda siyaasadda taqaan. Siyaasadduna waxa ay la xiriirtaa aqoon in ka badan inta ay la xiriirto ahaansho!

Laba jeer oo aan is aragnay, waxa ugu badan ee aan ka maqlay waa buugaag, doodo cilmi ah, aragtiyo aqoonyahanno hore laga guntay iyo arrimo kale oo aanan anigu hore u filanayn in aan siyaasi Soomaali ka maqli karo! Waxa aan xaqiiqsaday in qofka magaca siyaasiga wata ay dheggeystaan dad badan oo aan waxa uu yiri maqlayn, halka qofka aqoonta siyaasadda wata ay dheggeystaan dad yar oo waxa uu yiri maqlaya!

Aragtideyda, Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa siyaasi siyaasadda yaqaan! Sida uu aqoontaas ugu howlgelayase waa dood kale oo isaga iyo ummadda Soomaaliyeed ka dhexeeysa!

W/Q:Maxamed Cabdullaahi Dhaaley

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Noosheeg@Live.com Mahadsanid.