Imtixaankii dugsiyada sare ee Soomaaliya oo dib loo dhigay kaddib markii suuqa laga helay

0
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre

Muqdisho (NSH)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u joojisay imtixaankii dugsiyada sare ee goballada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kaddib markii waraaqo ay ku qoran yihiin imtixaanada maalmihii la soo dhaafay lagu kala iibsanayay suuqyada iyo baraha bulshada.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa arrintaas uga dhawaaqay Telefishanka dowladda isagoo ku sababeeyay kaddib markii la ogaaday in imtixaanka dugsiga sare lagu kala iibsanayay suuqyada iyo baraha bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay ka dhacday goballada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Saddex maalin ayuu imtixaanka socday waxaa la qaaday lix maado lixdaba waxaa lagu iibinayay suuqyada hal meel ayuu uga imaanayay”ayuu yiri wasiir Goodax.

Baraha bulshada ayaa maalmihii la soo dhaafay nuqulo ka mid ah imtixaanka lagu kala iibsanayay.

Wasiirka ayaa xilligii uu hadlayay waxaa wajigiisa ka muuqday sida uu uga carooday waxa dhacay.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in imtixaanka dib loo qaadi doono dhammaadka bishan isla markaana la hubin doono inuu markale duso, isagoo sidoo kale sheegay in shantaas maalin ee imtixaanka uu socday la hakin doono baraha bulshada.

Arrintan ayaa fadeexad weyn ku ah dowladda federaalka iyo wasaaradda waxbarashada oo waayihii dambe waday dedaalo ku aadan in la mideeyo imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com