Iker Casillas oo ka mid noqonaya tababarayaasha Porto

0
Iker Casillas oo ka mid noqonaya tababarayaasha Porto

Porto (NSH)-Kaddib markii labo bilood ka hor goolhayaha kooxda Porto Iker Casillas uu ka dhacay xanuunka wadnaha ayaa maamulayaasha kooxda waxa ay go’aansadeen inuu ka mid noqdo macallimiinta kooxda.

Casillas ayaa si gaar ah loogu magacaabay inuu noqdo isku xiraha cayaartoyda, macalliminta iyo maamulka kooxda, sida ay shaacisay kooxda Talaadada maanta ah.

38-jirkan ku guuleystay koobka adduunka ayaa miyir daboolmay isagoo ku jira tababarka bishii May ee sannadkan.

Shan maalin ayuu Isbitaal ku jiray, laakin waxa uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

GoolhayeCasillas ayaa u wareegay Portugal isagoo ka yimid kooxda Real Madrid sannadkii 2015, waxa uu u cayaaray 31 kulan iyadoo kooxda Porto ay ku dhammeestay kaalinta labaad horyaalka.

Waxa uu saftay kooxda Real Madrid 725 Kulan intii uu la joogay waxaana uu ku biiray kooxda isagoo da’diisa ay tahay 16 jir.

Casilla ayaa kooxda ka dhisan garoonka Bernabeu ka caawiyay in ay ku guuleysayo saddex horyaalka kubadda cagta ee Yurub iyo shan horyaalka Spain ee La Liga titles.

Sidoo kale, waxa uu kabtan u noday xulka Spain isagoo kula guuleystay koobka adduunka sannadkii 2010, sidoo kale waxa uu kula guuleystay koobka qarramada Yurub labo jeer oo kala ah 2008 iyo 2012.

_NOOSHEEG.COM_
Danguudtv@gmail.com