Hooyo Maxay Naga Mudan Tahay?

0

Hooyo sagaal bilood ayey halkaas kugu sidday ka dib markii ALLE kugu beeray, halkaas ayaa kuu ah hoy dhiiggeeda ayaa kuu ah nolol, wax kasta oo ay quudato ayaad la quudataa, wax kasta oo nafaqo ah ee ay afka saarto waad la saartaa.

Hadda qabowga waxaad ka xirataa jaakad ama koor, laakiin markaas jirkeeda ayaa kuu ah hu’u iyo buste, haddii kul uu jiro halkaas ayaa kuu ah har iyo hoos, adeeg musqul caloosheeda ayaa kuu ah.

Adigu halkaas ayaad si fiican ugu leddaa (seexataa), halkaas ayaad hurdo la jiiftaa, halkaas ayaad raaxo ku haysataa laakiin iyadu way shaqeynaysaa, way adeegaysaa, way dhiban tahay, adigu marka aad nuuxnuuxsanayso oo aad jimicsanayso hah ALLA xannuun ayey dareemaysaa marka aad jiifto iyadu hurdo way ku yar tahay.

9 bilood marka aad gaarto waa xannuun iyo fool waxay u dhaxaysaa nolol iyo geeri, marka si nabad ah ifka ku timaado iyuduna caafimaad qabto taah ayaa ku hara hooyo.

Markaas ayey u bilabaataa hawl kale oo ah koriimaddaada, waa macalinkaaga koowaad, waa saaxiibkaaga koowaad, waa wehelkaaga kuugu horeeya, adigoon dabka ka leexan karin, adigoo qar iyo buur ka talaabi kara oo aan qatarba aqoon, adigoo aan cunto karsan karin ama dalban karin, adigoon qorax iyo qabow kala aqoon, ayey hooyo intaas badalkeeda iyo in kale oo badan kuu qabatay, adigoo aan dhihi karin baahi iyo xannuun ayaa I haya oo aan hadli karin ayey kaliya oohintaada fahamtaa.

Waxa ugu horeeya ee aad ifka dhadhimasaa waa caanaha naaskeeda oo ILAAH kugu irsaakhay waa dhiigeedii waa dheecaankeedii oo adiga dheef kuu ah.

Maxay naga mudan yihiin hooyooyinkan duco iyo amaan, Hooyo xaqeeda mid la gudi karo ma ahan.

Waa habeen farxadeed oo ciid oo ay inoo soo dhamaatay bishii kheyrka iyo fadliga badneyd ILAAHOW caafimaad iyo cimri dheer sii, ILAAHOW Jannada ugu biishaaree, ILAAHOW ciso iyo sharaf sii, ILAAHOW abaalkeeda ka ajar iyo xasanaad ka sii, ILAAHOW dambigeeda dhaaf iyo kii Waalidkeed, hooyo waan ku jeclahay, hooyo Noolow, hooyo waligey abaalkaaga ma gudi karo.

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi