Guulihii iyo Caqabadihii soo wajahay madaxweyne Farmaajo labadii sanno ee la soo dhaafay

0

Nairobi (NSH)-Labo sanno ayaa laga jooga markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku beegan 8-dii Febraayo sannadkii 2017-kii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu socday ololihiisa doorashada waxaa uu ballan qaaday in labada sanno ee ugu horreysa xukunkiisa uu ku soo afjari doono dagaalka Al-Shabaab dalkana uu ku soo celin doono sharciga iyo kala dambeenta.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ballan qaaday in dowladiisa ay musuq-maasuqa la dagaalami doonto iyo sii wadista wadahadalada kala dhexeeyay Somaliland.

Labo sanno kaddib maxaa ka hirgalay ballamihii Farmaajo?

Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah fallanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in wax badan oo ka hirgalay balamahiisa aaney jirin.

Waxa uu sheegay in dagaalka Shabaab aanu wax badan laga qaban taas baddelkeedana dowladda ay waqti badan galisay hardankii kala dhexeeyay maamul goballeedyada.

BuurSaliid ayaa qaba in eedda madaxweynaha kaliya uusan lahayn ee qof kasta oo maanta madax ka ah Soomaaliya ay eedda wada lee dahay.

Buursaliid ayaa ku taliyay in xal raagg loo helo khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada si ay u sahalanaato in waqtiga yer ee dowladda u haray si wanaagsan loo mareeyo.

Al-Shabaab ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay weerarro xoogan ka geesatay xarrumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo goballada dalka, sidoo kale Al-Shabaab duulan culus laguma qaadin labadii sanno ee la soo dhaafay.

Si kastab, labo sanno kaddib weli qaybo badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab.

Wadahadalada Somaliland

Sidoo kale, waxaa hakad ku jira labadii sanno ee la soo dhaafay wadahadaladii u dhexeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Soomaaliya ayaa weli waxa ay kaalinta koowaad ku jirtaa waddamada ugu musuq-maasuqa badan caalamka sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay sannadkii la soo dhaafay hey’adda Transparency International.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa hadda u harsan labo sanno si uga dhabeeyo ballamihii uu sameeyay labo sanno ka hor.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com