Guddoomiye Mursal: “Doorasho qof iyo cod ayaa qabaneynaa 2020”

0
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Muqdisho (NSH)-Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo doorasho qof in ay ka dhacdo dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa meesha ka saaray walaaca ay qabaan siyaasiyiinta iyo mucaaraadka oo ah in doorashada 2020-ka ay la mid noqon doonto doorashooyinkii dalka horrey uga dhacay ama kuwa ka liita.

Wuxuu sheegay in ay magacaabeen guddiga doorashooyinka, isla markaana ay socdaan dedaalo loogu diyaargaroobayo doorashadaas sida uu yiri.

Doorasho ayaa dhacday 2004-tii, 2009-kii iyo 2012-kii iyo doorasho dad badan oo la qabtay 2017-kii, waxaa rajo wanaagsan ka qabaa in doorasho qof iyo cod ay dhici doonto ayuu yiri.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inta ka dhiman sannadkan in la dhameestiri doono dastuurka kumeel gaarka ee dalka.

Si kastaba, dad badan ayaa aaminsan in doorasho qof iyo cod aanu dalka ka dhici karin waqtiga harsan iyo dowlada shaqooyinkii laga sugayay oo ay ka mid tahay dalka in ay u diyaariso doorasho qof iyo cod aanu weli muuqan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa soo xiray kal fadhigga shanaad ee baarlamaanka iyadoo kal fadhiggan la sheegayo in xildhibaannada wax badan oo ay qabteen aanu jirin, kal fadhigga lixaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu furmi doono bisha Decmber.

Noosheeg.com

Danguudtv@gmail.com