Golaha Guurtida Somaliland oo Taageeray Safarka Muuse Biixi ee Guinea

0
Golaha Guurtida Somaliland oo Taageeray Safarka Muuse Biixi ee Guinea

Hargeysa (NSH)-Golaha baarlamaanka Somaliland, ayaa maanta oo Sabti ah taageeray safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku jooga dalka Guinea ee ku yaalla galbeedka Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay golaha baarlamaanka Somaliland ayaa lagu sheegay in safarka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu qeyb ka yahay ictiraaf raadinta Somaliland iyo adduunka ay xiriir la samesato.

Golaha Guurtida Somaliland waxaa kale ay soo jeediyeen in dib looga fiirsado wadahadallada u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, maadama dowladda federaalka ay la soo baxday dhaqamo go’doominaya Somaliand.

Dhinaca kale, wadooyinka magaalada Hargeysa ayaa xardhay sawirrada madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde iyo sidoo kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabadi oo la lee yahay madaxweyne ku soo dhawawo magaaladaadii Haregysa.

Hadal heyn badan ayey dhalisay booqashada madaxweynaha Somaliland ee dalka Guinea, waxaana warbixino ka qoraya warbaahinta caalamka iyagoo tusaale u soo qaadanaya in Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Guinea booqashada Muuse Biixi hakaas ku joogo.

Halkan ka daawo sawirrada

_NOOSHEEG.COM

_NOOSHEEG@LIVE.COM