Golaha Ammaanka QM oo kulan degdeg ah ka leh xaaladda Libya iyo go’aanka Turkiga uu ciidamo ugu dirayo Libya

0
sawir hore

New York (NSH)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah kulan degdeg ah oo albaabada u xiran ku yeelan doona magaalada New York, waxaana kulankan lagu lafaguri doonaa xaaladda Liibiya, iyada oo ciidamada Turkiga ay bilaabeen in ay tagaan dalkaa si ay u caawiyaan dowladda QM ay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay Tripoli.

Kulanka maanta ee golaha amniga QM ayaa ku yimid codsi ka yimid xukuumadda Moscow sida uu baahiyay telefishanka Al-Jazeera.

Sidoo kale kulanka golaha amniga ayaa immaanaya iyadoo dowladda Jermalka ay qorsheeneyso in ay qabto shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Libya, laakin Illaa iyo hadda, lama sheegin taariikhda rasmiga ah ee la qaban doono kulanka.

Laakiin kulanka maanta oo Isniin ah ayaa noqon doona fursadii ugu horreysay ee xubnaha Golaha Amniga ay si toos ah uga wada hadlaan nabadgelyada muranka dhalisay iyo heshiisyada badda ee ay wada galeen Libya iyo Turkiga bishii Nofembar, iyo go’aanka Ankara ee xiga ee ah in ciidammo loo diro Liibiya.

Tallaabada Turkiga ayaa timid ka dib markii dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ay la kulantay weerar joogto ah tan iyo bishii Abriil, taasoo uga imaanasay ciidamada uu hoggaamiyo taliyaha millateriga ee Khalifa Xaftaar.

Turkiga ayaa ciidamada uu u dirayo dalka Libya, waxa uu ku yimid codsi uga yimid xukuumadda Tribuli.

Heshiiskii badda ee ay wada gaareen Tripoli iyo Ankara wuxuu siinayaa Turkiga xuquuq ay ku leedahay badweynta Mediterranean-ka halkaas oo dhawaan laga helay keyd gaas oo badan.Taasi waxay ka careysiisay dalal kale oo Mediterranean-ka ku yaalla kuwaasoo ay ku jiraan waddamada Giriiga iyo Qubrus, oo iyaguna doonaya inay ka faa’iidaystaan ​​ilaha tamarta ee gobolka.

Diblomaasiyiin QM jooga ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP inaysan meesha ka saari karin suurta galnimada in xubin golaha QM ay kor uqaadi karto qorshaha Ruuska uu wato ee ku aadan in la xoojiyo Xaftaar.

Moscow waxay horrey u beenisay in ay teegeerayso Jeneraal Xaftaar.

Jimcihii, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dib u cusbooneysiiyay baaqiisa xabbad-joojinta deg-degga ah ee Liibiya.

“Taageero kasta oo shisheeye oo la siiyo dhinacyada dagaallamaya waxay kaliya sii ballaarin doontaa iska horimaadka socda waxayna sii adkeyn doontaa dadaallada loogu jiro in lagu gaaro xallin siyaasadeed oo nabad ah oo dhameystiran,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Mr Guterres.

By-Mohamud Ali 
Soomaalikabe@gmail.com