Garoonka Kubada Cagta ee Banaadir oo loogu magac daray Yariisow

0

Garoonka Kubada Cagta ee Banaadir ayaa maanta oo Jimco ah loogu magac daray duqii horre ee Muqdisho Allaha u naxariisto Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo loo yaqiinay Eng. Yariisow kaasoo toddobaadkii horre dalka Qadar ugu geeriyooday qarax ka dhacay xarrunta gobalka Banaadir.

Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo meel fagaare ah kala hadlayay kumanaan qof oo maanta ka qaybgalay isku soo bax loogu duceeyay marxuum Yariisow ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium loogu magac daray Eng Yariisoow.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amaanay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir uu naftiisa u huray Dalka ,qof kasta oo Halyeey ah oo Dalkaan wax kusoo kordhiya sidaas loo xasuusanayo sida uu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadxa fedraalka Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo Guddoomiyaba golaha aqalka sare, Ra’isul-wasaaraha Soomaaliya iyo ehelada Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa khudbado kookoobam ka jeediyay munaasabadda ducada aheyd.

Garoonka kubadda cagta Banaadir ayaa ka mid ah garoomada Garoomada ugu facaweyn ee dalka ku yaalla waxaa uu dhowrkii iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay uu ahaa garoonka kaliya ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya uu ku qabto tartamada cayaaraha kubadda cagta.

Ammaanka wadooyinka soo gala iyo guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay intii uu socday isku soo baxa loogu duceenayay duqii horre ee Muqdisho. NOOSHEEG.COM
Danguudtv@gmail.com