Gabdhaha xulka qaranka Soomaaliya oo ka qaybgalaya cayaaro ka dhacaya Koonfur Afrika

0
sawir horre

Muqdisho (NSH)-Magaalada Muqdisho waxaa xaflad sagootin ah loogu sameeyay cayaartoyda xulka qaranka kubadda cagta ee gabdhaha kuwaasoo ka qaybgeli doono taratarnka Ciyaaraha haweenka oo afarta bishaan ka furmaya dalka Koofur Afrika.

Guddoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Axmed Gaballe oo soo qaban qaabiyay kulankan ayaa Gabdha qaranka urejysay in guulo ay kasoo gareen tartaanka iyagoo ilaalinayo sharafta dalka.

Xuseen Caraale guddoomiyaha guddiga kormeerka iyo wacyigelinta Qaranka ayaa si la mid ah ku guubaabiyay ciyaartoyda Soomaaliya u matalaya cayaarayaha ka dhacaya dalka South Afrika.

Ayaan Axmed Cumar oo ah kabtanaka kooxda iyo Nimco Aadn Sheekh oo iyane ka mid Ciyaartoyda mataleysa qaranka ayaa ka hadlay daroonkooda waxa sida ay diyaar ugu yihiin inay guul kasoo hoyaan tartanka kubada Cagta Gabdhaha.

Afarta bishaan ayaa lagu wadaa in kulanka ugu horeeyo ay Magaalda Johannesburg kula cayaaraah xulka qaranka gabdhaha dhiggooda India, waxaana xigo doono kulamo kale madaama tartankaan ay ka qeyb-galaan dalal gaaraya lix oo Qaaramada Afrika ka socda iyo gabdha xulka India.

Halkan ka daawo warbixinta 

_NOOSHEEG.COM_
Soomaalikabe@gmail.com