Gabadhii ugu horreysay oo Agaasime ku xigeen ka noqotay Idaacadaha maxalliga Muqdisho

0
Idaacadda Kulmiye oo Agaasime ku xigeen ka dhigtay gabar waana Xaawo Luul

Waa maxey sababta aysan Haweenka suxufiyiinta ugu badneyn maamulka Warbaahinta Soomaalida iyada oo ay jiraan warbaahin ay qeyb ka yihiin maamulkooda sare?

Xarumaha warbaahinta Soomaaliya ee ku yaalla Muqdisho oo qiyaastii ka badan 50 Warbaahin ayaa waxaa ku yar haweenka qeybta ka ah maamulka sare ee Warbaahinta, Tiro warbaahin ah oo aan badneyn ayay ka qeyb yihiin maamulka sare, Waxaa ka mid ah Idaacadda Mustaqbal Waxaa Madaxa Maaliyada iyo Suuq-geynta ka ah labo haween ah halka Madaxa Waxsoosaarka iyo Xiriirka ay ka tahay Haween,

Si taasi ka duwan idaacada Kulmiye ayaa muddo dhowrsano ka dib Agaasime ku xigeen ka dhigtay Haweeney, sitaasi aan ka yaro duwaneyn, Universal TV qeybta Soomaaliya waxaa dhanka Maaliyada u qaabilsan Haweeneyn, sidoo kale Idaacada Danan waxaa qeybta Dhaqaalaha u qaabilsan Gabar, waa kaalin fiican in dhaqaalaha warbaahinta lagu aamino Haweenka haddana wali ma gaarsiisano meeshii laga filayay tiro ahaan.

Nasriin Maxamed Ibraahim

Dhowr sababood oo is biirsaday ayaa keenay in Haweenka Suxufiyiinta aysan tiro fiican ku yeelan go’aanka warbaahinta, sababta Koowaad ayaa lagu sheegay iyaga oo aan fursada raadsaneynin, halka sababta labaad ay tahay in qeyb ahaan maamulada warbaahinta aysan aaminsaneyn in haweenka suxufiyiinta ay ka soo bixi karin shaqadaasi sidaasi waxa aan ku ogaanay kulamo aan la qaadanay dhinacyada ay quseyso sheekada.

Ururada Suxufiyiinta ee tirada badan ayaan arrintaasi dood badan galin marka laga reebo Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed SWJ oo aan gudoomiye ku xigeen ka ahay, kaasi oo qabtay barnaamij badan oo arrintaasi looga hadlay taasi waxa ay dhalisay in laga soo saaro buug looga hadlay xaaladda ay ku shaqeeyaan haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Maamulada Warbaahinta oo aan si kali iyo Koox ula hadalnay ayaa inoo sheegay in fursadaha ay u furan yihiin haweenka suxufiyiinta balse ay iyagu la yimaadaan dadaal xoogan si ay u gaaraan meesha laga filan karo, Warbaahinta Soomaaliya oo ay heystaan caqabado badan oo #dhaqaale, #xiriir iyo, #aqoon ah waxa ay u baahan tahay fikir cusub oo lagu horumarin karo si taasi loo gaaro waa in haweenka suxufiyiinta ay doorkooda qaataan.

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim


Madaxa Waxsoosaarka iyo Xiriirka Idaacadda Mustaqbal ahna Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SWJ)