Farriin loo diray madaxweynihii geeriyooday ee Masar Maxamed Mursi

0
Farriin loo diray madaxweynihii geeriyooday ee Masar Maxamed Mursi

Marxuum Mursi, iga guddoon salaan gobeed. Waxaan kaala soo hadlayaa adduunyadii aad ka tagtay. Habeenkii aan geeridaadii maqlay oo hadda laga joogo hal asbuuc ayay aheed in aan farriintaan kuusoo diro, waxaanse ka cabsaday in ay kaaga dhex lunto farriimahii hirarka ahaa ee tacsida iyo ducada u badanaa ee laguu soo dirayay, sidaas ayaana ugu doortay in aan maanta kuu soo diro. Waxaan jeclaa in aan kaaga sheekeeyo sida jaceylka, dareenka iyo xamaasadda leh oo ay dadku uga falceliyeen geeridaada, balse warkooda kugu mashquulin maayo, waayo waxaad ogtahay in dadkii ku difaaci waayay adiga oo nool, aysan kuu gurmaneyn adiga oo dhintay. Aanse kuu soo koobee, malaayiin sadar oo geeridaada laga kala qoray waxaa ka run badnaa dhowr eray oo uu wiilkaada Axmed ah kuusoo qoray mar uu yiri: “Aabe, Alle agtiis ayaan ku kulmi doonnaa!”

Dad badan oo aan hubo in aysan aqoon fiican kuu laheyn ayaa qoraallo kugula diganayay, waxa kaliya oo ay kugu colaadiyeenna waa in ay kaa uriyeen fikir Islaami ah iyo hammiga ummadeed ee aad maanta godka ugu jirto.

Marxuum, in kaste oo aan wax badan kugu diiddanaa, miisaan kulama saarayo calmaani dhiiga-cab ah. Waan ka xumahay silaca laguu dilay, waxaanse kuugu hambalyeynayaa in aad ku dhimatay mabdi’ii aad u soo halgantay, ku soo cirreysatay, kuna han-weyneed in aad dhaqan-geliso, balse aad sababsatay. Ku seexo in uu Mursi dhintay, oo uusan mabdi’i dhiman, aana ku xusuusiyo hadalkii uu Cumar Mukhtaar yiri maalinkii la daldalayay ee ahaa “Isma dhiibeyno, waan guuleysaneynaa ama waan dhimaneynaa, fikirkeyguna aniga god ilama gelayo, ee wuu jiri doonaa, cimrigeyguna wuu ka dheeraan doonaa cimriga kan kan i diliya, oo magaceyga ayay taariikhdu xusi doontaa!!” Hadalka Cumar ku laab-qabowso, oo ku seexo in lagugu soo xusuusan doono in aad god u gashay fikirkaada iyo doorashadii shacabka.

Cumar binu Khaddaab oo maalinkii uu furtay magaalada Qudus laga guntay in uu yiri “Waxan nahay dad uu Alle Islaamka ku sharfay, haddii aan sharaf meel kale ka raadinnana Alle wuu duleynayaa!” uga sheekeey sida ay Muslimiintu maanta uga fogaadeen diintooda iyo dulliga ay ka dhaxleen, una sheeg in magaalooyinkiisii Maka iyo Madiina dhowaan laga furay goobo lagu tunto oo xalaal ah!! Cumar u sheeg hadalkii uu caalimkii reer Masar ee Maxamed Cabdi ahaa uu yiri markii uu 1881-dii kasoo laabtay shirkii Baariis ee ahaa “Galbeedka ayaan tegay waxaana kusoo arkay dhaqan Islaam balse Muslimiin kuma soo arag, waxaan sidoo kale tegay bariga waxaana kusoo arkay Muslimiin balse dhaqan Islaam kuma arag!!”

Cumar uga warbixi heerarkii ay Qudus soo martay isaga kadib, una sheeg in uu Mareykan maanta qorsheynayo in uu caasimad uga dhigo Yuhuudda. U sheeg dulliga muslimiinta heysta iyo sida madaxda Carabtu ay maanta ugu tartamayaan daba-dhilifnimada Yahuuda, una wari hadalkii uu aasaasaha machadka daraasaadka ee Yahuuda Mr. Mike Evans oo shir axaddii hore ka dhacay magaalada New-York ka sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman iyo dhaxal-sugaha Imaaraatka Maxamed bin Zaayid ay Israa’iil siiyaan dhaqaale ka badan kan ay Yahuudda ka helaan.

Abuubakaru-siddiiq oo markii uu nabigu naf baxay ee dad badan ay diinta ka baxeen, inta seeftiisa qaatay oo murtaddiinta ku jihaaday, yiri “Ma diinta Islaamka ayaa nuqsaameysa aniga oo nool!” ku dul aqri khudbaddii uu 2014-kii jeediyay madaxweynaha Yuhuudda Mr. Reuven Rivlin ee ciwaankeedu ahaa “Noosoo celiya hantideennii!” ee uu Carabta uga dalbaday in ay magdhaw ahaan u siiyaan 300 oo bilyan oo dollar oo ay ku soo qiimeesteen hantidii ay uga tageen dalalka Carabta waagii ay ku qulqulayeen Falasdiin, iyo 100 bilyan oo doollar oo ah diyada Yuhuuddii lagu dilay dagaalkii Kheybar iyo hantidii looga qaniimeystay dagaalladii ay rasuulka la galeen!

Abuubakar u sheeg in awoodda koobaad ee maanta dunida looga loollamayo aysan seef aheyn, oo ay aqoon iyo fikir tahay, loona kala horreeyo sida loo kala aqoon iyo aqris badan yahay, Muslimiintana tartankaas looga badiyay, oo umaddii ay suuradda Iqro kusoo degtay aysan maanta waxba aqrin, celcelis ahaanna uu qofka Muslimka ah uu sanadkii aqriyo hal buug, halka qofka Mareykanka u dhashay uu sanad kaste aqriyo 11 buug, kan Jabbaaniiska ahna uu aqriyo 70 buug. U sheeg in ay maanta Muslimiintu dulsaar ku yihiin caalamka oo aysan hayaanka kayaanka waxba darsan, taasna ugu tusaaleey in cuntada, cabitaanka, dharka, dawada iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha qofka muslimka ah lagu soo sameeyo dalalka reer galbeedka.

Igu salaam halgamayaashii qarniyadaan ee fikirkooda godka u galay, taariikhduna ay baal dahab ah ku qortay, oo ay ugu horreeyaan Sayid Maxmed Cabdulle Xasan, Axmed Gurey, Xasan Al-Bannaa, Sayid Qudub, Axmed Yaasiin, Cumar Mukhtaar iyo Saadaam Xuseen; uguna hambalyey in ay weli ku dhex nool yihiin, kuna noolaan doonaan quluubteenna. Nabadeey📩.

W/Q: Xuseen Sabriye

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Noosheeg@Live.com Mahadsanid