Farmajo ma wuxuu ku fashilmay waxyaabihii uu maareeyay Xasan Sheekh?

0
Madaxweyne Farmaajo

Xilligii Xasan Sheekh Maxamuud ayay Soomaaliya dacwo geysay maxkamadda cadaaladda Adduunka, balse xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ma gaarin heerka uu maanta joogo.

Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Kenya markay ku dhawaaqday go’aanka ah inay celiso qaxootiga, dowladda Soomaliya waxay ku dhawaaqday inay joojisay ganacsigii Khaadka.

Haddaba waxaan qormadan ku eegeynaa marxaladihii uu soo maray iyo halka uu maanta joogo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo billaabmay xilligii uu dalka Somaaliya madaxwaynaha ka ahaa Sh Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu khilaafka salka ku hayaa muran dhanka badda ah oo labada dhinac u dhaxeeya.

Sannadii 2014, markaas oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay dowladda Somaaliya kiiska muranka badda u gudbisay Maxkamada Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ.

Soomaaliya ayaa horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiskii Is-afgarad ahaa ee labada dhinac ay horey u gaareen uu yahay mid suurtagelin kara inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.

Qareennada Soomaaliya ayaa haseyeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareennada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaaliya u leedahay inay cadaalad ka raadsato maxkamadda.

Waxay sheegeen in hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si degdeg ah loo soo afjaro murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed badkiisu uu gaarayo 142 kun oo kilomitir, oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada waddan, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Joojintii Khaadka Kenya

Markii uu muranka sii xoogaystay, oo Kenya ku dhawaaqday inay celineyso qaxootiga Soomaalida, waxaa 5-tii bishii September 2016, ay dowladda Soomaaliya soo saartay go’aan ay ku mamnuucayso Khaadka ay Kenya u dhoofiso Soomaaliya.

Balse maalmo ka dib markii Khaadka la mamnuucay waxay Kenya iyo Soomaaliya isku afgarteen in dib loo furo.

13 September 2016, waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD, waxaana shirkaasi madaxdii ka qaybgashay ka mid ahaa madaxwaynaha Kenya, Uhurru Kenyatta.

Markii uu shirkaasi soo dhamaaday waxaa isla maalinkaa shir yeeshay Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaasi ka dib waxay labada dhinac sheegeen in la gaaray heshiis dib loogu billaabayo Khaadkii loo dhoofin jiray soomaaliya.

Doorashadii Farmaajo.

Bishii February 2017 ayaa madaxwayne loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha ayaa la caleemo saaray 22 bishii February.

Madaxdii ka qaybgashay xafladaasi waxaa ka mid ahaa Uhuru Kenyatta, madaxwaynaha Kenya.

Uhuru wuxuu xilligaasi sheegay in la dardargalin doono xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa uu tilmaamay in muddadii uu xilka ay dowladiisa si dhaw ula shaqeeysay xukuumadda Soomaaliya.

Booqashadii Farmaajo ee Kenya

23 bishii March, waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya booqasho ku tagay madaxwayne Farmaajo.

Madaxwayne Farmaajo ayaa si wayn loogu so dhaweeyay aqalka madaxtooyada, waxaana loo riday 21 madfac oo lagu sharfay.

Waxyaabihii xilligaasi ay Soomaliya iyo Kenya ku heshiiyeen waxaa ka mid ahaa, in la sahlo isu socodka labada dhinac.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in lab isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saaray in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan amar ku siinay mas’uuliyiinta ammaanka ee labadeena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qaabkii ay dib ugu billaabi lahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iyadoo duulimaadka ugu horreeyana aan fileyno laba isbuuc gudahood”, ayuu yiri xilligaas, Kenyatta.

Labada madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyaan in dib loo furo xadka labada dal oo ay dowladda Kenya xirtay 2007-dii, sababa dhinaca ammaanka ah.

Inkastoo xadka uu si rasmi ah u xirnaa, haddana saameyn weyn kuma yeelan isu socodka dadka iyo alaabta ganacsiga.

Waxaa toddobaadyo ka dib dhaqangalay qodobkii ahaa in duulimaadyada ka soo baxa muqdisho ay Nairobi toos u yimaadaan.

Taariikhda muranka badda

April 7, 2009: Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hannaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska.

July 13, 2015: Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda ICJ inay dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay gudbiso Maxkamadda.

December 18, 2017: Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya, Axmed Cali Daahir, ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.

Soomaaliya ayaa ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

Feb 02, 2018: Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Feb 07, 2019: Soomaaliya waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay aysan ku jirin qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin.

Sababta uu muranka dib ugu soo cusboonaaday

Waxaa 7 bishii February ee sanadkan, magaalada London lagu soo bandhigay maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka biya diiday dowladda Kenya oo si wayn uga carootay.

Feb 16, 2019: Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee London lagu xaraashay “hantida shacabka Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin.

10-bishii May 2019: Waxay dowladda Kenya joojisay duulimaadyadii tooska uga iman jiray Muqdisho ee tagi jiray Nairobi.

Waxaa ay dowladda Kenya amartay in duulimaadyada Muqdisho ay soo maraan magaalada Wajeer.

Isku daygii dhexdhaxaadinta Itooobiya

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday in labada madaxweyne ay dhexdhexaadiso, lana dhammeeyo khilaafka.

Qoraal uu bishii March ee sannadka uu bartiisa Tweeter-ka soo dhigay rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayuu ku sheegay in uu dhexdhexaadin doono Kenya iyo Soomaaliya si loo dajiyo xiisadda labada dhinac.

5 bishii March ee sannadkan, waxa booqasho rami ah ku yimid Nairobi raisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

6-dii bishii March ayay madaxwayne Farmaajo iyo madaxwayne Kenyatta yeesheen kulan.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo goobjoog ka ahaa shirka labada madaxweyne, islamarkaasna u kala dab qaadayay, ayaa soo saaray qoraal ku saabsan heshiiska, wuxuuna sheegay in laga wada hadlay wax uu ku tilmaamay ‘Isha Khilaafka’, taas oo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in arrinta laga hadlay ay tahay kaliya xiriirka dublamaasiyadeed ee madmadoowga soo galay ee labada dal.

Intaas kagama harin, “Madaxweynayaashu kama wada hadal, lamana soo hadal qaadin Kiiska Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, Dowladda Soomaaliyana mawqifkeeda waa mid cad oo aan mugdi ku jirin,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo saaray.

Inkasta oo uu ahaa shir heer sare ah oo ay isugu yimaadeen madaxda saddexda dal ee dariska ah, haddana waxaa arrin qeyru caadi ahayd in aysan jirin wax saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen, taas oo ah wax aanan looga baranin kulamada madaxda heerkan ah.

Muranka ma lagu xalin karaa wadaxaajood?

Dowladda Kenya ayaa doonaysa in murakan lagu dhameeyo qaab wadaxaajood ah oo ka baxsan maxakamada caalamiga ah ee ICJ.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in muranka ay tahay in lagu xaliyo qaab sharci ah islamarkaana laga war sugo go’aanka maxakamada.

Balse khubarada ayaa sidoo kale ka digaya in xilligan ay dowladda Soomaaliya wax heshiis ah oo arrintan la xiriira ay gasho.

“Madaxwayne Farmaajo dhib badan baa haysta oo ah waxa uu dhexgalay meel adag, maxaa yeelay xilligan adag oo ay dorashana soo dhawdahay shucuurta Soomaalida na ay kacsan tahay haddii lagu arko isaga oo luuqyadaas wax ku saxiixaya markaas dhib badan baa u iman kara isaga iyo xukuumaddiisa,” waxaa sidaasi yiri Prof Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha gobolka.

Kenya ayaa ku cadaadinaysa dowladda Soomaliya in miiska wadahadallada lagu dhammeeyo muranka badda.

“Kenya waxay leedahay Afrikaannimo aan ku wadahadalno, laba dal oo daris ah ayaa nahay, dano badan baa naga dhaxeeya abaal badan baan idiinku leenahay, waxaa jira wadamo badan oo sidaasi ku kala baxay oo aa maxkamad is gaynin,” ayuu yiri Prof Cabadiwahab.

Inta badan way adag tahay in xal waara laga gaaro muranka dhanka xuduudaha ee dowladaha u dhexeeya.

Khubarada ayaa soo jeedinaya in sida ugu sahlan ee lagu xallinkaro muranka badda uu yahay in loo daayo maxkamada oo go’aankeeda lagu kala baxo.

“Waxa la isku haysto dhul weeyaan, dhulna waa arrin xasaasi ah, kenya waxay leedahay taako dhulkeena ka mid ah kama tagayo, Soomaaliya na waxay leedahay hal taako oo dhulkeyda ka mid ah kama tagayo, marka sida ugu habboon hadda waxaa weeyaan maxkamadda adduunka ayuu kiiska yaalaa, ha ku kala baxaan kiiska,” ayuu intaa ku daray Cabdiwahab.

WQ:Ahmed Badar

BBC Somali