Farmaajo oo markii ugu horreysay ka hadlay waxyaabihii fashiliyay shirkii Garowe

0
Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (NSH)-Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay wax yaabihii uu u burburay shirkii Garowe ay ku yeesheen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku mari waayay madal ay yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada, qaabka loo qaban doono doorashooyinka soo socda iyo in muddo korarsi loo sameeyo maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in wanaaga kaliya ee shirkii Garowe ay ku yeesheen madaxda Soomaalida uu ahaa in ay kulmeen uun.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay rabeen in shirkii Garowe looga hadlo arrimaha ammaanka maadama maamul goballeedyada ay qeyb ka yihiin golaha amniga qaranka.

“Annagu waxaa rabnay in shirka looga hadlo arrimaha ammaanka maadama maamul goballeedyada ay qayb ka yihiin golaha amniga qaranka waase nalagu diiday, waxa ay yiraahdeen waa in siyaasadda laga hadlo ma xuma waana dood furan iyadoo saas ay tahay haddana waxaa qaadanay mowduucyo muhiim ah in aan qaadano”ayuu yiri Farmaajo.

Arrinta Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta Galmudug, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Galmudug ay isku mari waayeen muddo kororsi in loo sameeyo, arrintaas waana la isku mari waayay ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha Galmudug ay u soo jeediyeen in la wadahadlo arrintaasna ay ku raaceen madaxda maamul goballeedyada markii horrena uu aqbalay madaxweyne Xaaf balse wadatashi kaddib uu arrintaas diiday.

Waxa uu sheegay in ay dhinacooda diyaar la ahaayeen wadashaqeen ay la yeesheen Galmudug in la wadahadlo balse arrintaas ay ka socon weysay madaxweyne Xaaf.

Waqti Kororsi

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin waqti korarsi ay sameestaan madaxda dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada.

Waxa uu sheegay haddii muddo korarsi loo sameeyo maamul goballeeda in arrintaas ay abuuri karto kalsooni xumo iyo in ay noqoto xarrig furtey oo lagu daydo.

“Qof kasta oo la doorto waqti ayuu lee yahay haddii uu yahay dowlad goballeed iyo haddii uu yahay dowladda federaalka xaqiiqdii ma dooneyno in hal maalin loogu darro cidna,maxa yeelay waxa ay abuureysaa kalsooni darro waxa ay noqoneysaa xarrig furtay”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda 15-ka May maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo xaley lagu qabtay magaalada Muqdisho.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com