Farmaajo oo Magacaabay Guddiga Wadahadallada Somaliland

0
Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (NSH)-Sida goordhow ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay guddiga dhab-u heshiisiinta iyo wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Guddigan oo ka kooban lix xubnood waxaa ku jira xildhibaanno, siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland horrey xilal waaweyn ka soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka UK.

Haddaba,xubnaha lixda ee madaxweynaha uu magacaabay ayaa kala ah

1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Guddoomiyaha guddiga.
2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) Guddoomiye kuxigeen.
3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow)
4- Dr Cali Siciid Fiqi danjiraha cusub ee Soomaaliya ee UK
5-S/G: Axmed Jaamac Muuse
6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli) oo horrey xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya.

Wadahadallada dowladda fedaraalka iyo Somaliland ayaa hakad ku jiray muddooyiinkii ugu dambeeyay mana cadda wakhtiga ay dib u billaaban doonaan.

_NOOSHEEG.COM
Danguudtv@gmail.com