Fanka iyo Suugaanta Maxaa loo Siyaasadeeyay?

0

Waxaan daawaday Video uu duubay Abdi Dhaanto oo aha Fanaan Soomaaliyeed,dhalinyaro aha,jecel dadkiisa iyo dalkiisa,kaalin mug leh na ka qaatay wacyi galinta shacab Soomaaliyeed ee u ooman in ay helaan Dowlad,

Runtii wuxuu ahaa wiil laciilay,hankiisa iyo qabkiisa ladhaawacay,lagu bahdilay dhul Soomaaliyeed, caasimaddii Qaranka, Caasimadii lagu waday in ay noqoto howga Soomaaliweyn

Fankiisa lagu jees jeesay, laguna bahdilay qayrkiisa hortood, alla dhib badanaa,dhulkii ayaa lawareegay markii lagu yidhi ” ka dag masraxa!ka dag masraxa!halkan ma aha Jigjiga!dhaantana loogama baahnee,go to Jigjiga!oo xagaas dhaantada kusoo bandhig!” waa Fanaan Soomaaliyeed, waa Fanaan Qaran, ma aha Fanaan xaydaab Qabiil iyo Deegaan celin karo.

Abdi Dhaanto wuxuu soo bandhigi lahaa Dhaanto uu ku amaani lahaa RW.Hassan Ali Kheyre iyo Xukuumadiisa ,mana aha markii ugu horaysay ee uu dhaanto kusoo bandhigo Muqdisho..

Dhaantadan sidoo kale waxay dhiiri galinaysay Mashruuca Isxilqaan ee ka hanaqaaday Muqdisho iyo Meelo kale, sida uu sheegay Fanaan Abdi Dhaanto.

Ma aha markii ugu horaysay oon maqlo siyaasiyiin ka mid aha DFS oo dhibsanahaya Dhaantada, kuna hadaaqaya, dhaantada Jigjiga la aada! Yaab, ma oga miyaa in dhaantada laga ciyaaro Gobolo badan oo ka tirsan JFS?

Soomaaliweyn waxa isku haya hadda waa dhaqanka ay hodonka ku tahay Soomaalidu, oo jaad kala duwan leh, ciyaaro dhaqameed ii qiimaha leh ayaa ka mid aha waana xariga isku haya Soomaaliweyn,sidoo kale Diinta,Sooyaalka Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan qirayaa in aana laga maarmin Abwaaniita iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Akhristow ma ogtahay Abwaanka curiyay Heesta Isxilqaan dadkay goow in uu yahay Abwaan Reer Jigjiga aha? Akhristow ma ogtahay fanaankii qaaday heestaa in uu yahay Reer Jigjiga? Akhrisow ma ogtahay Fananakii qaaday Heesta Xamar Bila iyo Abwaankii Curiyay in uu yahay Reer Jigjiga!

Akhristow ma ogtahay in Dhaantada uu rabay in uu qaado Abdi Dhaanto ahayd mid loogu tala galay Mashruuca Isxilqaan.

Maxaa loo siyaasadeeyay Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed? Maxaa sabab u aha arintan? yay dan u tahay? Muqdisho oo aha howga Soomaaliweyn maxay uga xanaaqday ciyaarta dhaantada? Khilaafka siyaadaadda maxaa loogu raray dhinaca dhaqankii iyo ciyaarihii?

Armuu kiisku salka ku hayaa, in aana munaasabada looga baahnayn in lagu amaano Xukuumadda Xassan Ali Khayre?!

Horay waan u ogaa in Reer Jigjiga aana laga jeclayn Muqdisho intii u dhaxaysay 2017-2019 dhinaca siyaasadda, lagana dhoofiyay Halgamaa Qalibi Dhagax Xamar, loona dhoofiyay Jigjiga 2017.

Waxayna ahayd xaajo ugub ku aha Qaranka Soomaaliyeed oo gilgishay dareenka Ummadda Soomaaliyeed..

Laakiin su,aashu waxay tahay Dhaantada lafteeda armaa loo dhoofiyaa Jigjiga sidii Halgamaa Qalbi Dhagax loogu dhoofiyay?!

W/Q:Abdirahman Sahal Yusuf


Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka halkan ku qoran waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan laguma saleyn karo aragtida mareegta noosheeg.com, Fadlan si aan u soo daabacno, qoraalladaada iyo fallooyinka aad qorto ku soo dir ciwaankan; soomaalikabe@gmail.com