Fadlan Xaaskaaga Tus Naxariis

0
Fadlan Xaaskaaga Tus Naxariis

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran dagalka NOOSHEEG, waxaa lee nahay maalin, galab iyo habeen wanaagsan, Inta badan Raga waxaa ku adag iney fahmaan waxey rabto Xaaskooda. Ogoow, Gabadhu mar walba waxey rabtaa inuu Ninkeeda Dareensiiyo Xasilooni, Jaceyl, Ixtiraam iyo Naxariis.

Amaanta iyo Hadalka macaan ee uu Ninkeeda ku dhahaayo waxey ilowsiiyaan dhibaatooyinka ay kala kulmeyso Nolosha. Fadlan Dareensii Xaaskaaga iney tahay Saaxiibtaada, Dareensii ineysan jirin cid kale oo aad u sheegatid Sirtaada, Dareensii in aad u baahan tahay Caawinaadeeda, una sheeg mar walba Dareenkaaga.

La qeybso Farxadaada tusaale ahaan marka wax laguu Bishaareeyo, kuna Seexo dhabteeda marka aad Murugeysan tahay.

U sheeg waxa aad maalintaas la soo kulantay, hana u maleyn inuusan micne ku fadhin, ee xageeda aad ayuu Muhiim ugu yahay. Ogowna sida ay adiga Gogoshu muhiim kuugu tahay in ay iyadana muhiim ugu tahay Wada hadalkiina.

U sheeg iney iyadu tahay Saaxiibadaada oo aad iyada keliya ku Kalsoon tahay, kalana Tasho Arrin kasta oo kula soo Gudboonaata. Mar kastana Maqashii Hadal macaan oo Qalbigeeda Naxariis geliya.

Xaaskaaga marka aad wada hadleysaan, Hadalkaagu hala socdo Action Gacmaha ah iyo Dhunkasho, Ogoow taasi waxey kordhisaa Kalgaceylka ay Adiga kuu qabto. Dhabtaada saar marka aad wada Fadhidaan Qolka Fadhiga, hana ka Baqiilin Dhunkashada.

Bar mar walba oo aad Guriga ka baxeysid inaad Qolka soo gelisid oo aad Laabta gelisid adigoo dareensiinaaya inaad ka marmin Aragtideeda, oo inta yar ee aad Agteeda ka maqan tahay aad dareemeesid Ciriiri.

Ogoow Xaaskaaga markaad si Naxariis leh Laabta u geliso waxey dareemeysaa Jaceel iyo Farxad ay ku iloowdo wixii hore.

W/Q:- Macoow Ustaad.