Faa’idooyinka Ganacsiga Warshadaha Yar-Yar

0
Lahaanshaha Sawirka AFP| MOHAMED ABDIWAHAB

Ganacsatada Soomaalida waxey si isku dayasho ah u bilaabeen in Hoteelo waa weyn dalka ka dhisaan. Soomaaliya ma aha dal dalxiis loo tago. Soomaalida qurbaha ka laabta ee dalka dalxiiska u tagana in yar mooye inta badan reerahooda ama qaraabadooda ayey ku degaan.

Hadaba yaa loo dhisayaa Hoteelada waaweyn ee boqolaalka kun ee dollar ku baxaya. Ma Xildhibaannada iyo Wasiirrada Dowladda Federaalka oo intooda badan dalka dibadiisa degan?.

Soomaaliya waxa hadda loo baahan yahay waa in la maalgashado warshaddo yar yar.

Khayraad badan ayaa dalkeena laga helaa oo aan laga faa’ideysanin. Dhinaca beeraha qudaar badan ayaa maalin walba la daadiyaa madaama dalka uusan lahayn qaboojiyayaal casri ah oo lagu keediyo, sidoo kale kaluunka. Qudaarta iyo kaluunkaba waa la gasacadeen karaa waxaa loo baahan yahay warshad yar oo gasacadeysa in dalka laga hergeliyo.

Soomaaliya waa dal kulul warshad soo saarta cabitaanada laga sameeyo qudaarta dalka ka soo baxda sida canbaha, babaayga, seytuunka,qaraha, muuska, noocyada liinta ee kala duwan waa laga maarmaan, dalkana waa looga baahan yahay.

Soomaaliya waxey leedahay xeeb aad u dheer oo kaluun kala duwan ka buuxo. Kaluunkeena waa noocyada kaluunka ugu wanaagsan dunida. Warshad Kaluun in laga dhiso Berbera, Boosaaso, Hobyo, Muqdisho, Kismaayo waa laga maarmaan. Kaluunkaa ganacsiga gudaha ka sakow waxaa loo dhoofin karey dibada gaar ahaan dalalka afrikaanka aan badda lahayn sida Itoobiya oo 100 malyan dad ay ku noolyihiin iyo dalal kale oo caalamka.

Warshaduhu dhaqaalaha dalka ayey kor u qaadaan waxeyna abuuraan shaqo waana asaaska horumarka dalka.

Maanta boqol jeer ayey ka fudud tahay in warshad la dhisaa marka loo eego 20 sano ka hor sida dunida ay ahayd . Horumarka iyo teknolojikada caalamka aad ayuu u korodhey. Dalalka Turkiga, Hindiya iyo Shiinaha ayaa laga keesan karaa Injinyeero iyo warshado yar yar oo diyaar ah islamarkaa qiimahoodu jaban yahay.

Ganscsatadeena waxaa laga rabaa in hankoodu sarreeyo, aragti fog la yimaadaan. Warshad cabitaano, kuwa kaluunka iyo qudaarta gasacadeeya, kuwa baastada sameeya iyo qaar kaloo lamid ah si fudud ayaa dalka looga hergelin karaa, waxa keliya ee loo baahan yahay waa koronto jaban iyo qorshe ganacsi oo cilmiyeesan (Marketing Plan).

W/Q:Ilyas Mohamud Hussein

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Soomaalikabe@gmail.com Mahadsanid