Maxaa loo dilay Taliyihii booliska Gobalka Hiiraan?

0
Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay dagaal maanta ka dhacay Kabeerkak

Beledweyne (NSH)-Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan, gaar ahaan deeganka Kalabeerka ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya maamulka HirShabeelle iyo guddoomiyihii horre ee gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar oo loo yaqaanno Yuusuf Dabageed oo dhawaan shaqada laga eryay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ku dhintay taliyihii ciidamada qeybta gobalka Hiiraan,Korneel Maxamed Macow Xalane, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay taliye ku xigeenka ciidanka qeybta magaalada Beledweyne.

Meydka taliyaha ayaa la keenay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne,sidoo kale waxaa isbitaalka la keenay dhaawaca taliye ku xigeenka qeybta booliska magaalada Beledweyne oo labaduba maanta dhibaato ka soo gaartay dagaalkii ka dhacay deeganka Kalabeerka.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kaddib markii taliyaha geeriyooday iyo ciidamo la socda ay gaareen maanta deeganka Kalabeerka, waxaana halkaas ku yaalla Kastam weyn oo canshuurta looga qaado gaadidka u kala goosha gaadidka goballada Soomaaliya ay maraan iyo gaadidka aadaya dhulka Soomaalida Itoobiya.

Yuusuf Dabageed oo diidan inuu xafiiska banneeyo ayaa ciidamo ka amar qaata la sheegay in ay ku sugan yihiin Kastamka maanta lagu dagaallamay.

Xaaladda deeganka lagu dagaallamay ayaa  hadda deggan.

Deeganka Kalabeerka waxa ay qiyaastii magaalada Beledweyne u jirtaa qiyaastii 20km dhinaca waqooyi.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg@live.com