Duqa Muqdisho oo magacaabay guddoomiyayaal cusub

0
Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Muqdisho (NSH)-Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta oo Isniin ah magacaabay labo guddoomiye degmo iyo hal ku xigeen.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobalka ayaa lagu sheegay in guddoomiyayaasha la magacaabaay ay kala yihiin:- Cabdicasiis Cismaan Jaamac oo loo magacaabaay guddoomiyaha degmada Waaberi, Aweys Sheekh Maxamed  Amiin oo loo magacaabaay guddoomiyaha degmada Shangaani iyo Axmed Maxamud Diiriye oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada ee degmada Wadajir.

Labada guddoomiye ee la magacaabay ayaa lagu beddelay labo guddoomiye degmo oo ka mid ahaa dad ka badan oo uu ku jiray duqii Muqdisho Eng-Yariisow oo ku dhintay weerarkii ka dhacay aqalka dowladda hoose 24-kii bishii July ee sannadkan.

_NOOSHEEG.COM_

Soomaalikabe@gmail.com