Dumarka Muqdisho oo looga digay inay raacaan gaadidka gaarka loo lee yahay

0
Sawirka gabadha
Ma aysan oggolaan in Magaceeda iyo Sawirkeeda loo adeegsado baraha bulshada, basle waxa ay oggolaatay in sheekadeeda ay la wadaagto bulshada si ay gabdhaha kale ugu dhicin dhibaato la mid ah middii iyada qabsatay.

Gabadhu waxa ay ka soo baxday gurigooda si ay adeeg uga soo iibiso magaalada, waxa ay soo istaagtay mid ka mid ah isgoosyada waa wayn ee magaalada Muqdisho si ay halkaasi gaari uga raacdo, iyada oo gaariga sugeysa ayaa loo joojiyay gaari yar oo nooca raaxada ah, nin aysan illaa iyo hadda sixi Karin wajigiisa ayaa ku yiri aan ku sii qaado halkee rabtaa? Waxa ay u soo dhaqaaqday dhanka gaariga iyada oo daaqada u istaagtay ninka si ay ula hadasho, gabadha markaasi ayaa ugu danbeysay kala garashada iyo doorashada waxa ay rabto, sida ay sheegtay waxa ay noqotay qof wixii loo sheegaba tiraahdo haye.

Waxaa la geeyay guri sida ay sheegtay waxa uu ahaa guri cidlo ah, oo aan cid kale joogin, gabadhii waxa ay biloowday in ay u dhaqanto sida haweeney joogta guriga lagu qabo ninkana ay ula macaamiisho sida in uu yahay seygeeda, muddo saddex cisho ama maalin ah ayay noloshaasi ku jirtay, muddadaasi waxa ay tiri ma awoodi Karin in aan telephonkeyga qabto, in aan xiriir la sameeyo ehelkeyga, waxa aan ahaa qof ninka wuxuu dhaho oo kaliya yeesha ama maqasha, ma sixi Karin guriga aan joogay halka uu ku yaalay, mana awoodi Karin in aan u baxo banaanka.

Waxa aan si sax ah wax u kala gartay marka laygu soo dajiyay X Control Afgooye waliba kolka aan cagaha dhuulka dhigay, waxa aan soo raacay Bajaaj, waxa aan dhahay waxa aad igeeysaa gurigeena, oo ku yaalla mid ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir, inta aan wadada ku sii jiray waxaa isoo wacay lambaro badan oo reerkeyga ah waxa aan garan waayay si aan reerkeena ugu sheego waxa igu dhacay, waxa ay igu dheeragalinayeen dadka qaar in aan sheego.

Ugu danbeyntii waan u sheegay reerkeyga waxa igu dhacay, waa ay aamini waayeen, xitaa waxa ay u qaateen in aan dhintay maadaama ay saddex maalin i waysanaayeen, dhibka jiro waxa uu yahay ma aqoonsan karo qofka waxaas igu sameeyay iyo halka aan ka heli karo:-

Gabadha reerkeeda waxa ay billaabeen in ay isbitaal geeyaan oo la baaro, nasiib wanaag way caafimaad qabtaa laakiin maskaxdeeda waxaa ka guuxayo wixii ku dhacay, ugu danbeyntii waxaa la go’aamiyay in qu’raan la saaro si ay maskaxdeeda u dagto, “waxa ay tiri waxaan gabdhah uga digaa in aysan raacin gawaari aysan aqoon.”

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim

Suxufiyad Soomaaliyeed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Noosheeg@Live.com Mahadsanid