Dowladda Soomaaliya oo xil u magacowday Fannaanka Nimcaan Hilaac

0
Dowladda Soomaaliya oo xil u magacowday Fannaanka Nimcaan Hilaac

Muqdisho (NSH)-Sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya, waxaa la magacaabay Agaasimaha wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, iyadoo loo magacaabay Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan, oo loo yaqaanano Nimcaan Hillaac.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa isla warqadda ka soo baxday xafiiskiisa xilkii Agaasimenimo uga qaaday Agaasimihii horre ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, Maxamed Xasan Barroow.

Barrow ayaa loo in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfafainta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xirka Kooxaha heer Qaran.

Nimcaan Hilaac oo ah fannaan caan ah ayaa waayihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana dhowr jeer lagu arkay xaflado ay ka qaybgalayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg@live.com