DHAGEYSO: Muxuu keeni karaa isbaddelka laamaha ammaanka ee Soomaaliya?

0
Waa sawir la qaadday ka hor xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho

Nairobi (SK)-Madaxweyn Farmaaje ayaa shaley madax cusub u magacaabay laamaha ammaanka ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya, sida militariga, nabad sugidda iyo booliiska ayaa qaar kamid ah dadka arrimaha siyaasadda Soomaaliya fallanqeeya waxa ay qabaan in tallaabadani aanay wax wayn soo kordhinayn jeer isbaddal ballaaran lagu sameeyo arrimaha siyaasadda.

Xasan Sheekh Cali Nuur oo falanqeeya arrimaha ammaanka iyo Siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba sidan: “In Jaamac laga qaado oo Geeddi la keeno wax isbaddalaaya majiraan haddii aanay siyaasaddu xallismin, marka isbadalladaan iyo kufkufkaan waxaa keenaya aragti qaran ayaa maqan, siyaasad loo dhan yahay ayaa maqan”

Si kastaba ha ahaatee waa markii saddexaad oo Madaxweyne Farmaajo uu xilka ka qaadayo madaxda ugu sarraysa laamaha ammaanka, ayadoo wali ay taagan yihiin caqabado dhanka ammaanka ah oo ka jira guud ahaan dalka

Halkan Hoose ka daawo Wareysiga Ismaacil.