Dagaal culus oo ka dhacay Gobalka Gedo

0
Sawir hore

Garbahaareey (NSH)-Wararka ka imaanaya degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii ciidamada dowladda ee ku sugan Garbahaareey ay weerar ku qaadeen tuulooyin 18km u jira degmada Garbahaareey halkaasoo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in labada dhinac uu soo gaaray khasaaro badan balse ma jiro ilo madax bannaan oo xaqiijin kara inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa BBC-da u sheegay in dhinacooda uu dagaalka uga dhintey hal askari laba kalena ay ku dhaawacmeen, balse waxa uu sheegay Al-Shabaab in ay ka dileen illaa sideed dagaal yahanno.

Dagaalka ayaa waxaa ku biiray ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM kuwaasoo taageero u fidiyay ciidamada dowladda oo markii horre weerar culus la kulmay.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa intii uu dagaalka socday gurmad helay, waxaana dagaalka uu noqday mid saacad iyo wax ka badan socday.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com