Chelsea oo Washamsi lagu qaaday

0

London (NSH)-Kooxda Man City ayaa washamsi ku qaaday kooxda Chelsea kulan ka tirsan horyaalka kubadda cagta ee dalka Ingiriiska.

Manchester City ayaa 6 iyo 0 uga badisay kooxda Chelsea, waxaana ay noqotay markii ugu horreysay oo dhowr iyo toban sanno kooxda Chelsea sidaas looga badiyo.

Dhammaan cayaartoyda kooxda Man City ayaa goolal ka dhaliyay.

Fallanqeeyayaasha cayaaraha ayaa sheegay in Chelsea laga badinayo cayaarta balse guul darro sidaas u weyn oo goolal badan laga dhaliyo mala fileynin.

Kooxda ayaa la sheegay in ay hadda lee dahay daldaloolo badan sida difaaca oo ah meesha ugu liidato, dhexda oo ka darran iyo weerar badan oo aan jirin.

Labada ciyaartoy ee Hazard iyo Wilyamis ayaa meesha ku dhintay oo ka muuqda, waxaana kooxda ay u baahan tahay isbaddel weyn.

Chelsea ayaa kaalinta lixaad ku jirta kala horeenta horyaalka Ingiriiska, halka Manchester City oo 27-kulan cayaartay ay aruursatay 65-dhibcood.

_SOOMAALIKABE_

[email protected]