Cayaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biiray Liverpool

0
Cayaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biiray Liverpool

London (NSH)-Wiil dhallinyaro oo Soomaaliyeed oo 18 jir ah ayaa noqday cayaaryahankii ugu horreeyay ee ku biira kooxda heerka koowaad ee Liverpool.

Cabdishariif ayaa si rasmi u soo saftay kulamada cayaartoyda da’dooda ka hoosees 23-sanno jirka bishii January, isagoo goolkii koowaad ka dhaliyay kooxda Chelsea bishii April.

Kabtankii horre ee kooxda Liverpool, Steven Gerard ayaa sheegay Cabdishariif in uu lee yahay lugo dhaadheer isla markaana uu ku wanaagsan yahay orodka.

Isagoo sheegay in ay ku caawin doonaan sidii uga mid noqon lahaa cayaartoyda heerka koowaad ee kooxda Liverpool.

https://platform.twitter.com/widgets.js

Xiddigan ayaa ku wanaagsan qadka difaaca iyo garabka midig, balse wuxuu ku wanaagsan yahay qadka dhexe.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com