Cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya oo u dhoofay Uganda

0
sawir horre xulka qaranka Soomaaliya

Muqdisho (NSH)-Magaaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Sabti ka ambabaxay afar ka mid ah ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagata kuwaasoo ka qayb galaya Tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee loo soo gaabiyo Cecafa kaasoo sannadkan 2019 ka dhacaya dalka Uganda.

Cayaartoyda afarta ah ee maanta u dhooftay Kampala ayaa kala ah Xasan Cabdikariin Xuseen (Xasaasi), oo u cayaara kooxda Horseed, Saciid Aweys Cali oo ah goolhayaha kooxda dowladda hoose ee MCC, Anwar Shiikh Cali (Shakuunda)oo ka tirsan kooxda Elman iyo Cabdicasiis Yuusuf oo ka mid ah oo ka yimid dalka Canada markii labaadna u cayaaraya xulka qaranka Soomaaliya.

Cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee u safrtay Uganda waxaa la socda macallinkooda Bashir Heyford oo u dhashay dalka Ghana.

Tartanka kubadda cagata ee bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa ayaa la cayaari doonaa 7-da illaa 13-ka bisha December, waxaana lagu qabanayaa dalka Uganda.

Marka laga yimaado afarta cayaartoy iy macallinkooda, waxaa soo baxaya warar sheegaya in cayaartoyda kale ee xulka qaranka ay ka imaan doonaan dibadda.