Bandhigga Buugaagta Kismaayo oo Furmay Sannadkii Saddexaad

0
Carwada buugaagta Kismaayo oo furmay sannadkii saddexaad

Kismaayo (NSH)-Magaalada Kismaayo waxa maanta oo Axad ah ka furmay bandhigga buugaagta, waana sannadkii saddexaad ee la qabanayo bandhiggaasi tan iyo markii la billaabay 2017-kii.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo marti sharraf kale ayaa ka qaybgalay furitaanka bandhigga saaka, sidoo kale waxaa goobta carwada ku sugnaa dhallinyaro fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Kismaayo.

Carwada Bandhigga Kismaayo oo socondoonta muddo saddex cisho ayaa la filayaa in lagu soo bandhiggo buugaag ka hadlaya dhaqanka iyo afka hooyo iyo sidoo kale buugaag cusub oo ay qoreen qorayaal Soomaali ah iyo ajnebi ah isugu jirta.

Sidoo kale dooddo, iyo aqoon isweydaarsiiyo, iyo tababaro ku saabsan dhaqanka iyo suugaanta ayaa lagu soo bandhigi doonaa muddada seddexda maalin ah ee ay socoto carwadaasi.

Halkan ka daawo sawirrada

Carwada buugaagta Kismaayo oo furmay sannadkii saddexaad
Xuquuqda sawirrada Cabdirsaaq Afrika

_NOOSHEEG.COM

Noosheeg@gmail.com