Boosaaso oo lagu xirey dadkii ugu badnaa (Maxaa Cusub?)

0

Boosaaso (NSH)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarrunta gobalka Bari, waxa ay sheegayaan in howgallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen magaaladay ku soo qabteen daad aad u fara badan oo ay ku jiraan dad ku eedeesan tahriibin.

Taliyaha ciidamada  booliska ee magaalada Boosaaso, Jeneraal Muxyidiin Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in howgallada ay ku soo qabteen sodomeeyo ay ku jiraan dad tahriibaya dadka kuwaasoo xabsiga la dhigay.

Sidoo kale, waxa ay ciidamada xireen tahriibayaal fara badan iyo dad looga shakiyay ammaan darida magaalada Boosaaso.

Saraakiisha ciidamada iyo maamulka magaalada ayaa sheegay in dadka xiran ee ku eedeesan falalla amni darrada la soo taagi doono maxkamad.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada booliska magaalada Boosaaso ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay kooxdii dishay nin ganacsade ah oo magaalada xaley lagu dilay.

Magaalada Boosaaso ayaa tan iyo markii horaantii bishan lagu dilay maareeyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O ee hoostagtada shirkadda DP World ee laga lee yahay dalka Imaaraadka waxaa ka socda howgallo lagu sugayo ammaanka magaalada Paul Anthony Fermosa.

_SOOMAALIKABE_

[email protected]