Billad Barako Yeelatay

0
Madaxweynaha oo billad sharraf guddoonsiiyay Hinda Jaamac

Gabadhani waa Hinda Jaamac, Hinda waa Filim duube xirfad fiican leh kana mid ah udub dhexaadka Warbaahinta Dowladda.

Madaxweynaha ayaa ku yiri kusoo dhawoow Madaxtooyada qoorta ayuuna bilad u suray, markii intaas dhacday Madaxweynaha ayaa wareystay Hinda kadibna isbadal ayaa wajigiisa laga dareemay, waxaa xigtay in uu su’aal weydiiyay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Wasiirku ka mid yahay taas oo ahayd “sidee u dhacday in gabadhaan oo intaas oo sano joogtay Wasaaradda oo idinkaba aad marqaati ka tihiin shaqo wanaageeda ilaa aad usoo xusheen in aan gudoonsiiyo bilad sharaf ay u tahay shaqaale aan mushaar qaadan”?

Waxa ay ahayd su’aal adag markiiba Wasiir mareeye ayaa hadalka qaatay isaga oo yiri anigaba ma ogi arrintaas oo markaan arkay shaqo badnida gabadha waxaan u haystay in tahay shaqaalo rasmi ah balse wixii hadda ka bilowda aniga kaala wareegay oo waxaa iga taqaan gabadhaas oo mushaari ah.

Madaxweynaha ayaa faray Wasiirka in marka howshaas la qabto lala soo socod siiyo Agaasimaha Madaxtooyada. Wixii markaas ka dambeeyay Madaxweynaha howshii ayuu guda galay kuwa badan oo meesha taagnaa oo sugayay biladaas ayuuna jaanis siiyay.

Fiiro gaar ah: sheekadan dhab ma ahan Habeen hore markii aan Sawirka arkay ayaan ku riyooday ee bal hala iga gaarsiiyo wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye):
waa intaas oo riyadu run noqoto.

W/Q: Abdiftah Jante

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso aragtida Tifaftirka iyo siyaasadda Noosheeg.com. Noosheg Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Noosheeg@Live.com Mahadsanid