Balotelli oo ku biiray kooxda Marseille

0
Balotelli oo ku biiray kooxda Marseille

Marseille, FRANCE (SK)-Naadiga Marseille ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la soo wareegtay weeraryahanka xulka qaranka Talyaaniga Mario Balotelli, kaasoo kasoo tagey kooxda aad u xifaaltamaan ee Faransiiska ka dhisan ee Nice.

28-jirkan ayaa la joogi doona kooxda ku guuleysatay koobka Yurub iyo horyaalka Faransiiska Ligue 1 illaa iyo dhammaadka xilli cayaareedkan sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.

Balotelli, ayaa la sheegay in ay is qabteen macallinka kooxda Nice, Patrick Vieira taas ayaana sababtay in uu ka tago kooxda.

Balotelli ayaa dhaliyay 33 gool, 51 kulan oo uu ka soo muuqday horyaalka Faransiiska labo xilli cayareed oo uu la joogay.

Xiddigii horre ee kooxaha AC Milan, Inter iyo Liverpool ayaa u wareegay kooxda uu macallinka u yahay Garcia kaasoo Arbacadii shaley xaqiijiyay in ay Balotelli la soo wareegi doonaan saacadaha soo socda.

_SOOMAALIKABE_

[email protected]