Axmed Ciise Cawad: “Somaliland Waa Qayb Ka Mid Ah Soomaaliya”

0
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad

Muqdisho (NSH)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan u dul qaadan doonin in dal ka tirsan caalamka uu wax u dhimo midnimada qaran ee dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad oo maanta shir jaraa’id ku qabtey Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeya aysan u dul qaadan doonin in dal ka tirsan caalamka uu ku xadgudubo madaxbannaanida Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu la kulmay wakiilada caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa carabka ku adeekayay in ay jiraan dalal u ololeenaya in ay khatar galiyaan madax bannaanida dalka.

Wasiirka ayaa ka hadlay xiriirka ay u jareen dalka Guinea isagoo sheegay in ay meel uga dhacday dalka Soomaaliya iyo madax bannaanidiisa isla markaana ay khatar galiyeen midnimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay ficilka dalka Guinea in ay caqabad ku tahay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay wadahadallada Somaliland iyo iyaga in aysan u ka hadli karin dal kale.

Wasiirka ayaa sheegay Somaliland in ay qeyb ka tahay Soomaaliya, dal kastana laga rabo inuu taas ku ixtiraamo Soomaaliya.

“Somaliland ma ahan dal ka madaxbannaan Somalia oo gooni u taagan, adduunka meel u aqoonsan sidaas ma jiro. Sharciyada adduunka sida UN-ka, Islaamka, AU, iyo IGAD waxa ay qirayaan Somalia inay tahay hal dal iyo dad, adduunka sidaas ayuu qabaa sidaas ayeena tahay dalal kale waa in ay tixgaliyaan arrintaas caalamku aqoonsan tahay”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somalia Ambassador Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in dib loo billaabo wadahadallada Somaliland ay la lee yihiin isla markaana u arkaan dad ay walaalo yihiin.

_NOOSHEEG.COM
Noosheeg01@gmail.com