Australia: Haweeney Soomaali ah oo lagala noqday ruqsadda darawalnimada

0
Xaawo Cadoo 69 jir ah ayaa lagala noqday shantigii gaariwadista kaddib markii ay gashay khaladaad badan

Melbourne (NSH)-Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray haweeney Soomaali ah oo Taksiile ka ahayd dalka Australia, in ruqsadda ama shatiga darwalnimada lagala noqday kaddib markii khaladaad dhowr ah gashay.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Xaawa Cad ayaa da’deeda lagu sheegay 69 jir ah, waxaana khaladaadka ay gashay ka mid ah in qof aragga la’ oo ay buur ku waday ay weydiisatay inuu tilmaamo waddada.

Haweeneydan ayaa gaari ka xeynta billowday sannadkii 2004-kii, tan iyo xilligaas waxa ay lahayd macaamil badan oo taksigeeda soo raacijiray.

Hooyo Xaawa ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee haween Soomaali ah oo taki ku wadda dalka Australia.

Sida laga soo xigtay wargeyska Herald Sun, Hooyo Xaawo Cad khaladaadka ay gashay waxaa kaloo ka mid ah in gaariga ay u ka xeesay si xawaare dheer 19 jeer, in afar jeer ama shan jeer ay jabisay leyrka taraafikada iyo in ay ku guul dareesatay in ay isticmaasho nalka gaariga kolka ay ka xeeneyso.

Lahaanshiyaha sawirka AAPIMAGE

Si kastab, hooyadan ayaa waxa ay biili jiray 12 qof oo isugu jira carruur ay iyada dhashay iyo kuwa ay ayeeyo u tahay, waxaana meesha ka baxaya dhaqaalihii ay ka heli jireen gaariwadida Hooyo Xaawa.

Lama sheegin in leesiga gaariga dib loogu soo celin doono iyo in kale, balse ma ahan qofkii ugu horreeyay oo shantiga gaariwadista lagala noqdo dalka Australia.

Hooyo Xaawa Cad waa qof caan ka ah dalka Australia, waxaana tusaale u noqday dumar badan oo Soomaali ah oo hadda kaxeeya Takisiga.

_NOOSHEEG.COM_

Noosheeg02@gmail.com