Anigaa Joogayee adigu tag

0

Shirkii Garoowe waxaa isugu yimid, ragg dhammaantood u gooman xil korodhsi iyo inay dhiigga bulshada soomaaliyeed sii dhuuqaan iyaga oo aysan jirin wax gaar ah oo ay qabteen intii ay joogeen, haddana dedaal ugu jira inay sii ammin dheeraystaan.

Qorshaha shirka ayaa ahaa in madaxda dowladdu iska hor leexiso Axmed Madoobe iyo Axmed Xaaf oo ay u arkaan inaysan soo bixi karin soona noqon karin Farmaajo iyo Khayre haddii ay sii joogaan.

Axmed Madoobe iyo Axmed Xaafna waxay u arkaan inta Farmaajo iyo Kheyre joogaan inaysan soo noqon karayn.

Ragga kale ee meesha joogay Siciid C. Dani wuxuu ka ahaa qabqable shirka isu keenida labada dhinac ay dani ugu jirtey, inkastoo uusan ku guuleysan, isaga ma jirin xil korodhsi uu rabay, balse wuxuu rabaa inuu saameyn ku yeesho labada qolo kuwii guuleysta.

Cabdicasiis Lafta Gareen, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisoow, waxa ay ahaayeen boos buuxis ama camirayaal siyaasadeed.

Waxaa jira basaska dhallinyaro sii fadhiisata markuu sugayo inuu baxo si dadku ugu soo hirtaan, marka basku laga soo buuxsamana way ka degaan waxay aadaan bas kale, sidaas ayayna camiraada iyo boos buuxiska ugu xoogsadaan, kuwaasi waxay booska u buuxinayeen hoggaanka dowladda ma jirto waxay rabeen iyo waxay diidanaayeen.

Haddaba yaa wax ka maqan yihiin? Ma ragga inay ina hor fadhiyaan raba ? Ma bulshada soomaaliyeed ee abaaraha, colaadaha iyo horumar la’aantu daashatay?

Waxaad moodaa dadkeennu inay kala taageersan yihiin kooxo iyagu isku haya waxyaabo u dan ah ee aan wadin dan guud iyo dadkan iyo dalkan sidii loo horumarin lahaa.

Ujeedka ugu weyna waa Anigaa joogaya ee adigu tag, marka inay joogaan aragnay oo waxba nooma tarin joogitaankoodu inay kala tagaan oo mid weliba ammintiisu markay dhammaato dhib la’aan uu xilka dhigo maxaa diidaya?

Anigu xeer iyo heshiiska dalka u degsan wixii dhaafsiisan been iyo waxba kama jiraan baan u aqaana.

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr