Al-Shabaab sidee ugu suurto-gashay inay u galaan saldhigga Mareykanka, Yaase ‘Ku gacan Siiyey?’

0
Al-Shabaab sidee ugu suurto-gashay inay u galaan saldhigga Mareykanka, Yaase ‘Ku gacan Siiyey?’

Nairobi (NSH)– Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in saddex muwaadin oo Mareykan ahaa ay ku dhinteen weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu, ee dalka Kenya, ayada oo laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha Kenya iyo Geeska Afrika, oo u warramay idaacadda VOA, ayaa sheegay in weerarkaasi uu muujiyey heerka awoodda Al-Shabaab iyo in quwado shisheeye ay taageeraan kooxdan.

“Al-Shabaab ma lahan awood ay ku weeraraan waddanka ugu xoogga badan caalamka. Marka shaki igama jiro in quwado shisheeye ay arrintan ku gacan siiyeen Al-Shabaab.” Ayuu yiri Prof Cabdiwhaab.

Halkan ka daawo wareysiga Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad